Wasiirka warfaafinta Somaliland oo ganafka ku dhuftay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

0
530
Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore (Sawir Hore)

Hargeysa (HargeisaPress)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ugu horayn waxa uu tilmaamay in madaxweynaha maamulka Puntland uu yahay nin siyaasadda ku saaqiday, wuxuuna wasiirku intaas ku daray in uu faro madhan ka taagan yahay maamulkii uu masuulka ka ahaa ee Puntland oo ku hoos burburay, isla markaana ay kala dhaqaajiyeen Soomaaliyadii ay is-sheeganayeen oo uu maanta meel cidla ah ka taagan yahay nidaamkii ay ahayd inuu hogaamiyo, isaga oo wasiirku intaas raaciyey in magaalo ganacsiyeedii Boosaaso ee uu dhaqaalaha ka heli jiray Siciid Cabdilaahi Dani lagu kala tagay ka dib markii uu kala faquuqay kalana fogeeyey bulshadii walaalaha ahayd ee ku wada dhaqnayd magaaladaas.

Waxa kale, oo uu wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ku sifeeyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland nin aan ka war hayn waaqaca siyaasadeed iyo xaalada ka jirta bariga Afrika, isaga oo intaa ku daray in uu laba boqol oo Askari uu ugu hanjabeyey Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay wasiirku in ay muujinayso aqoon la’aanta ka haysata Siciid Dani istiraatijiyada dagaalka.

Gabogabadii wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) waxa uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ayna bulsho fahansan sharafteeda iyo milgaheeda, wuxuuna xusay in ayna cidna ugu dulqaadanayn in ay soo faro galiso xuduudaha dalkeeda, isla markaana ay taqaano sida ay u ilaashato una difaacdo madax bannaanideeda Baddeed, Cireed iyo dhuleedba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here