Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiilada Oo Wada Shaqayn Ku Heshiiyay Muran Kala Dhexgalay Kaddib

0
816

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddida Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka u qaabilsan Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, kulankaasi oo ay labada dhinac isku xog waraysanayeen islamarkaana Xildhibaanadu ku waydiinayeen Wasiiradda hab maamulka Miisaaniyadeed ee wasaaraddda.

Kulanka oo Saacado qaatay ayaa labada dhinac warbaahinta u sheegeen inay isla afgarteen wixii mad-madow kaga jiray, haddana ku heshiiyeen wada shaqayn dhaw oo wasaaradda iyo Guddida dhex marta.

Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam ayaa ahayd Wasiirkii u horeeyay ee si adag uga soo horjeedsatay Warbixin Musuqmaasuq ooh ore Guddidu u soo saartay taasi oo ay ku dooday inay been ka sheegeen Kharashaadka Wasaaraddu ku bixiso Gobolada.

“Guddidu waxay wax naga waydiisay Lacagaha oo ay lexejeclo ka leeyihiin anaguna aanu diyaar u nahay inaanu tusno shillin walba halkii uu maray oo xaqiiqdii ah wax loo baahan yahay.waa wax muhiim ah oo dadka Kalsooni galinaya inay ogaadaan in Gobol walba uu gaadhay wixii uu xaq u lahaa iyo waxyaabaha ka dhiman in laga wada halgalo. Waxaanu guddida isla garanay inaanu wax isla eegno oo wada shaqaynfiican yeelano” ayay tidhi Wasiir Samsam.

Gudoomiyaha Guddida Dabagalka hantida qaranka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), ayaa ka hadlay kulanka Masuuliyiinta Waxbarashada ay la yeesheen “Guddidu baryahan ba way shaqaynaysay, Kulankan wasiirku wuxuu ku noqonayaa dhawr iyo Labaatan kulan oo aanu la yeelanay Wasiiro iyo Masuuliyiinta Hay’addo, waxaanu Wasiirka isla garanay in Wasaarad ahaan iyo Guddi ahaanba qolo walba waajibaadka Dastuurku na farayo dhinaceeda u gudato, waxaanu isla garanay inaanu wada shaqayn dhaw la yeelano wasaaraddan waxbarashada oo ah wasaarad aad u muhiim ah” ayuu yidhi Gudoomiye Obama.

Masuuliyiinta heer Gobo lee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay, islamarkaana warbaahinta soo mariyay siday uga soo horjeedaan Warbixin Guddida dabagalka hantida qaranku ku sheegtay in Miisaaniyadda Gobolada ee wasaaradduhu aanay wada gaadhin dadkii loogu talo galay badankeedana lagu isticmaalo xafiisyada dawladda ee Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here