Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo Kormeeray Beeralay Daadku Waxyeeleeyey

0
979

Hargeysa, (HargeisaPress) —Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha ayaa kormeeray deegaano ka tirsan Gobolka Awdal oo roobabkii u dambeeyey ee da’ay ay beerahoodii waxyeeleeyeen.

 

Masuuliyiintan ka socotay wasaaradda Beeraha oo uu hogaaminayey wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, isla markaana wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdilaahi Ismaaciil Faarax, Maareeyaha Mashaariicda ee hay’adda Action Aid iyo Isuduwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Awdal.

 

Wasiirka oo ka warbixinayey safarkan ay ku soo mareen deegaanada Beeralayda ah ee roobabkii u dambeeyey waxyeeleen ayaa waxa uu sheegay inay soo mareen Deegaanada Habaas, Ceelbaxay, Daraya dheere, Laamalooshka, Qaloocan, Walaalgoo iyo Xoogacadcad.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo ka warbixinaya deegaanadan ay soo mareen ayaa waxa uu yidhi “20 bishan aynu ku jirno ee April waxaanu kormeer ku tagnay dhulkii beerlayda ahaa ee roobabku waxyeeleeyeen oo ay ka mid ahaayeen Habaas oo uu beerihii daadku qaaday, sidoo kale deegaanka Ceel Baxay oo uu Ceelashii ka dumiyey, deegaanka Daraya Dheere oo uu Kanaaladii Waraabka ka burbriyey, waxa kale oo aanu soo karmeernay Mashaariicda ay wado hay’adda Jarmalka ah ee wax qabadka Beeraha Agro Action (GAA)”.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Hay’addu waxa ay ku ballan qaaday oo ay naga ogolaatay inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka roobku gaystay”.

 

Dhawaan ayey ahayd markii roobabku ka curteen deegaano Somaliland ka tirsan, ka dib abaaro ba’an oo ku dhuftay galbeedka Somaliland, iyada oo roobabkaasina keeneen waxyeelooyin qaarkood dhimasho keeneen sida roobkii ka da’ay Dilla.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here