Masuuliyiin Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayo Oo Odayaal Qaranka Magac Ku Leh Guryahooda Ku Bookhday + SAWIRRO

0
735

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guryahooda ku booqday saddex oday oo qaranka magac iyo taariikh weyn ku leh oo xannuunsanaya gelinkii dambe ee maanta.Odayaasha Madaxweynuhu ku booqday guryahooda magaalada Hargeysa waxay kala yihiin; Maxamed Cabdi Arabay, Maxamuud Dhool-dahable iyo Maxamed Cabdi Iskeerse oo saddexdooduba u jiifa xannuun.

a315e94f2b6d71c26f9070fd8808eb42_L

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu odayaashaas Ilaahay uga baryey caafimaad iyo inuu cudurka haya ka dulqaado.

Booqashada Madaxweynaha oo laga qariyey saxaafadda waxa ku wehelinayey marwada 1aad marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris), Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), kuwaas oo iyaguna dhammaantood Ilaahay uga baryey odayaasha sharafta leh in xannuunka ka kor qaado, caafimaadna ugu beddelo.

Odayaasha xannuunsanaya ee Madaxweynuhu guryahooda ku booqday waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu miisaanka culus ee mus-dambeedka u ah xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here