“Marka Ay Muddo Kordhinta Gaadho Cidna Kama Abaashanno Dalkuna Gali Maayo Fawdo”Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho

0
914

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, oo ka tirsan Aqalka guurtida Somaliland ayaa ku gacan saydhay hadal shalay ka soo yeedhay Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,kaasi oo uu Guurtida ugu baaqayay inay faraha ka laabtaan wax muddo kordhin ah oo ay Xukumadda u sameeyaan.

“Arinta uu Faysal Cali Waraabe Leeyahay waa Arin Farsamo Waxba Kama Jiraan ee waa Arin Dastuuri Ah, Anaguna Guurti Ahaan waxaanu Kordhinaa Bil Ka Dib Marka ay Dhaafta Doorashada,Laakiin, Iyadoo Doorasho Dhawayn, oo Cidii Doorashada ku shaqo Lahayd Aanay wali ka hadal waxa la isku waalo Maaha, imikana waxaaba Doorashada ka Hadhay lix Bilood oo Kaliya” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Hogaamiyaha Ucid ayaa aaminsan inaanay jirin wax ku salaysan Duruufaha Dastuurku xusay in doorashada dib loogu dhigo karo oo dalka ka jira sidaasi darteedna aanay guurtidu Cudur daar u hayn Muddo ay Madaxweyne Siilaanyo u kordhiso. Waxaanu ku dooday in la samayn doono Dawlad loo dhan yahay, haddii doorashadu wakhtigeeda dhaafto.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa sii sharaxay hanaanka ay Xukumadda wakhtiga u kordhin karaan “Komiishanka ayay ka Timaadaa Codsiga muddo Kordhintu, Marka Xiligeeda la gaadho Anaga oo eegayna Duruufaha Iyo Xaaladaha Dalka ka jira,Komiishanka iyo Asxaabta Mucaaradka ayaa Wada Kulma Markaas ayay Go’aanka Gadhaan,Laakiin Marka ay mudo Kordhinta Gaadho Cidna Kama Abaashano Dalkuna Gali Maayo Fawdo”

Mucaaradka Somaliland ayaa walaac weyn ka qaba Doorasho dalka ka dhacda sanadka 2015 badhtamihiisa, iyagoo ku doodaya in Xukumaddu raadinayso Muddo kordhin aan sharciga waafaqsanayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here