Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay Dagaalyahano Ka Tirsan Al-shabaab

0
560

Washington (Hargeisa Press) – Taliska Mareykanka ee Africa, ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-shaabaab, kaddib codsi uga yimid Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeybtan kasoo gaadhay dadka rayidka ah.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaadhan oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yidhi bayaanka AFRICOM.

“Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab.” ayuu raaciyay bayaanka Taliska Mareykanka ee Africa.

Duqeyntay, ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada Soomaaliya ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 kiilo mitir waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.”ayaa lagu yidhi bayaanka taliska Mareykanka ee Africa.

AFRICOM, ayaa sheegtay inaysan hadda macluumaad dheeri ah ka bixin howlgalkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here