Somaliland oo Ka Qaybgashay Xuska Ciidamadii Faransiiska Ee Ka Qaybgalay Dagaalkii-Dunida

0
1538

Paris (Hargeisa Press) – Jaaliyadda Somaliland ee dalka Faransiiska, ayaa ka qayb galay xus ballaadhan oo magaalada Verdon ee dalkaasi loogu sameeyey Ciidammadii Faransiiska ee ka qayb galay dagaalkii koowaad ee dunida oo lagu jabiyey Jarmalka.

Waxa ka qayb galay xuskaas Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Sh. Nadiif Cabdi, Maxamed Nuux Aadan iyo Maxamed Cabdi.

Guddoomiyaha ciidamadii reer Somaliland ee u dagaalamay Faransiiska, Ibraahim Guulleed, ayaa sheegay in ciidamo u dhashay Somaliland ay wacdaro ka dhigeen dagaaladii koowaad iyo labaad ee Adduunka oo ay u dagaalamayeen Faransiiska.

Sidoo kale, guddoomiye Ibraahim Guuleed, ayaa waxaa uu xusay in geesiyo reer Somaliland ahi ay garab istaageen dalka Faransiiska maalin adag.

Waxa kaloo uu iftiimiyey in reer Somaliland ay muddo dheer xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya ay la lahaayeen dalka Faransiiska.

Afhayeen u hadashay Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee dalka Faransiiska, ayaa u mahadcelisay ciidamadii dalkeeda ee ka qayb qaatay dagaalkii koowaad iyo labaad ee dunidda iyo ciidamadii reer Somaliland ee iyaguna sida weyn uga qayb qaatay dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here