Weynu Karnaa (We Can) Waa Fariinta Madaxweynaha Somaliland

0
2003

Hogaamiye kasta wuxu la yimada aragti siyaasadeed iyo falsafad u gaar ah oo uu ku hago ama ku hawl galiyo dadkiisa si u dalka u gaadhsiiyo horumar la mahadiyo. Hogamiyeyaasha falsafada waynu karnaa (we can) dadkiisa ku hawl galiyay ee ku guulaystay waxa ka mid ah Lee Kuan Yew oo u kacay dal yar oo sabool ah oo wax khayraad ahna aan lahayn haba yaratee oo la yidhaahdo Singapore maantana ka horumarsan, kana hodansan wadamo waaweyn oo khayraad badan laga helo.

Mr. Lee Kuan Yew mar la waydiyay sida ay ugu suurta gashay in ay sameeyaan waxaan surta gal ahayn, wuxu kaga jawabay buug uu qoray oo la yidhaahdo: From Third World to the First World. Wuxu ku yidhi: waxaanu ku gaadhnay aragti, caqli, anshax wanaagsan (discipline) iyo kala dambayn, waana sababta anu ku dhaafnay wadamo khayraadka hodan ku ah, waxa se shardi ah in umaddu aaminto in ay wax kasta qaban karaan.

Tusale kale xaflad mudo hore lagu qabtay magalada Berbera, madaxa DP World Suldaan Axmed bin Suleymen wuxu ka sheekeeyay horumarka Imaarada yar ee Dubai gaadhay iyo halka ay kaga jirto dhaqaalaha aduunka. Isaga oo tilmaanaya sirta ka dambaysa wuxu yidhi: Ma lihin khayraad dabiici ah oo la xusi karo laakiin waxanu leenahay aragti iyo himilo fog iyo anaga oo aaminsan khayraadka la’antood in aanu samayn karno horumar mucjiso ah. “We don’t have much resources but we have vision and believe”.

Hadaba inkasta oo ay jiraan caqabadaha ictiraaf la’anta iyo kuwa kale hadana Somaliland iyada oo ka shidaal qadanaysa falsafada Madaxweynaha JSL, mudane Muse Bixi ee ah wax kasta waynu qaban karna (we can), Somaliland waxay samaysay horumar lagu faani karo.

Hal iyo labo tusaale, doorashooyinka dhaqale ahaan iyo farsamo ahaan waxa inaga cawin jiray Beesha Caalamka oo shurudo leh ama dib uga dhici yiray wakhtigi loo baahna hase yeeshe madaxweyne Muse Bixi isaga oo aminsan in aynu dorashooyinkeena qabsan karno wuxu ku dhiiraday in laga maarmi karo tageero arrimaheena lagu maamulo. Waxa iyadana xusid mudan in halmar la wada qabtay laba doorasho oo isku sidkan markii ugu horaysay.

Tusaale kale waxa maaro loo waayay wakiiladii hore oo muda dhaafay hase ahaate Madaxweyne Bixi wuxu ku guulaystay in uu qabto doorashadii lagu bedeli laha. Dhinaca kale waxaynu aaminay in aan la joojin karin biyaha qulqulaya ee roobka, haddii aanay cid kale inaga caawin waayo waxaynu qabatinay deeqaha yar ee Beesha calamku inoo fidiso (dependency syndrome).

Biyo xidheenkii u horeeyay ee Somaliland lagu cawiyay ee (Xunbo-weyne) waa lagu fashilmay laakiin Madaxweynaha JSL markii uu umada ku bararujiyay fariintiisii ahayd waynu karna (we can) waxa saddexdii sanadood ee u dambeyay dalka laga hirgaliyay 5 biyo xidheen, waxa gacanta lagu hayaa 5 kale, waxa qorshaha ku jira tobaneeyo kale. Dib u dhiska Suuqa Waaheen waa tusaale kale oo cadaynaya kartideena umad ahaan. Haddii aynu awoodena aamino.

W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami33@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here