Magaaldda Berbera Oo Markii Ugu Horaysay Soo Food Saarto Dhaqaale Xumo Uu Sababay Maayirka Berbera

0
976

Maayirka Magaalo Xeebeedka Berbera Oo In Dhawaytaba La Soo Baxay Waji U Qarsoonaa Cabdi Shakuur Cidin.Wakhtigii Musharixiintu Iska Soo Sharaxayeen ururadii Siyaasada 2012. Cabdi Shakuur Ciddin Kulmiye Ayaa u diiday inuu iska soo sharaxo Xisbiga waxaana ogolaaday UCID Isaga oo meel uu qabsaddo la’ , wanaad maqasheen Muddo ka hor Inuu caddeeyay ku biirista Kulmiye Haba dhacdo taasi laakin ceebtu waxay tahay Yaa aaminaaya qof danbe oo Reer Berbera Ah oo iska soo sharaxa Xisbi kale , Calaamaddan Foosha Xun leh oo uu Hormoodka ka yahay Cabdi Shakuur CIDDIN Waa mid sababi karta Nabad galyo Xumo , Aamin Daro , Iyo Is garanwaa, Arintaas oo dhaxalkeedu yahay Dhibaato Hor-leh .

 

Qamaan Bulxan Ayaa Yidhi

.Baaddida Ninbaa Kula Dooni

Daalna Kaa Badane

Oon Doonahayn Inaad Heshaa

Daa’in Abidkaaye

Dadkuna Idin Moodayaan

Duul Wadda Dhashoo

Wax U Dahsoonayn

Dallo Ma Laha Aakhiro

Haddii Loo Kitaab Dayo.

Magaaladda Berbera Waa Magaaladda Kaliya Ee Somaliland Ka Bad-baaday Dagaaladdii Iska Soo Daba Noqonaayay Iyo Fadhataddii 1988 Markii Xoogaggii SNM Soo Galeen Gobolada Waqooyi.

 

Talaw Reer Berbera ma ogyihiin Xalaadda magaaladdoodu marayso iyo Xaalufka Dhaqaale Ee uu sameeyay Maayirku .

 

Waxaa Kale uu sameeyay Dhul-boobka , Shaqaalihii Dawlada Hoose Ee Berbera Oo Banaanka La Wadda dhigay , halka qaar ka mid ah lagu soo badalay Niman Hore Kiis ugaga jiray dawlada hoose kuwaas oo imika bilaabay in ay ku jimicsaddaan xatooyadda iyo musuq-maasuqa way iman doontaa mar ay dhuumasho kaga baxaan Xafiiska Haddiiba Ay Soo galaan .

 

Muddo haatan laga joogo Hal Sano Ayay Ahayd Markii Uu Maayir Ciddin Fuulay Kurisga Maayirnimo , Muddadaa Gaaban Wuxuu Ku Kacay Is-dabamarin , Musuq-maasuq Xadhkaha Goostay .

 

Waxaa Xusid Muddan Wuxuu Heshiisyo Qarsoodi Ah Lagalay Shirkado Ganacsi IYO Dhisme Sida Shrikada Tawfiiq oo

Maayirka Berbera Mr Ciddin Wuxuu Guri Fooqa Ah Ayuu Ka Dhistay Daafaha Magaalada Ama XAAFADA FIILAAND-ta Berbera,
Haddaba Wakhtigii Uu Maayir Cabdi Shakuur Cidin Guriga Fooqa Ah Uu Dhisanaayay ayaa Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera Ayaa Todobaadki Hore Ku Eedeeyay Musuq-masuq Iyo In Dayn Dhan 1.5mn$ Lagu Leeyahay Dhb Taas Oo La Garan Waayay Xaddiga Intaas Leeg Sida Loogu Yeeshay Maadaama Oo Miisaaniyadoodu Badnayd , Halka Waliba Mashaariicda Badankooda AY Haayado Bixyeen Sida Dib U Dhiska Wadooyin Sida Kii JBLG .

 

Tacdiga Uuu Maayirku U Gaysto Shaqaalaha Dawlada Hoose Iyo Dhul-boobka iyo Baloodhaynta Dhulkii Danta

 

Maayirku Kula Kacay Shaqaalihii Dawladda Hoose Ee Berbera Tacdi , Shaqo Ka Eryid , Faro-galin Xagga Shaqadda Ah, Musuq-maasuq , Wax Isdaba Marin Iyo Dhulkii Danta Guud Ahaa Oo Boob Fara-badan Lagu Hayo . Waxaa Isa Soo Taraayay Ka Dib Markii Maayirku Si Qar Iska Tuur Ah Oo Sharciga Baal-marsan Ugu Biiray KULMIYE , Waxaa maaiyr Cabdi Shakuur Ku Kacay Arimo Ay Ka Damqadeen Shacbka Reer Berbera Isha-na Ku Hayaan Siday Wax U Socdaan. Arimaha Dhul-Boobka Iyo Baloodhaynta Sida Xad Dhaafka Uu U Waddo Maairka Berbera , Waxaad Arkaysaa Habeenkii Saacaddaha Danbe Ama Saqdda Dhexe Ee Habeenimo Maayirka Berbera Oo Gudaaya, Faylal Waawayn-na Sita Oo Baloodhaynaaya Dhulkii Danta Guud . Maayirka Magaaladda.

 

. Caddaalad Darradda , Eryiska , Faro-galinta Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Berbera Uu Kullakacayo Maayir Cabdi Shakuur Maxamuud Ciddin Waxaa Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Berbera Soo Food Saartay Caddaalad Daro Baahsan Iyo Faro Galin Xagga Shaqadda Ah Iyo Caydhin Laga Eryaayo Shaqadda , Taas Baddalkeediina La Shaqaalaysiiyo Shaqaale Hore Dawladda Hoose Looga Eryay Kuwaas Oo Isdaba Marin , Musuq-maasuq , Hanti Boob Faraha Kula Jiray Kuwaas Oo Ay Shaqadda Ka Eryeen Maayiraddii Xilka Uga Horeeyay Cabdi-shakuur Ciddin , Mamnuuc-na Ka Ahaa Inay Dib ugu Soo Noqddaan D.H.B. Taas Waxay Muujinaysaa Sidda Uu Maayirku Sida Badheedhka Ay U Waddaan Hanti Urursiga , Baloodhaynta , Iyo Boobka Hantiddii Yarayd Ee Loogu Adeegi Jiray Shacabka Reer Saaxil . Waxani Waxay Soo Baxeeen Ka Dib Markii Uu Maayirka Berbera Ku Biiray Xisbiga Kulmiye.

 

Qaab Nooce Ah Ayuu Maayirka Berbera Kursiga Ku Fuulay

 

Waxaynu Si Guud Mar Ah Uga Hadli Doonaa Wakhtigii Lagu Jiray Qaban-qaabada Doorashada Guddomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Iyo Ku Xigeenkiisa Dhacdooyinkii Ku Xeernaa Oo Aad U Xiisa Badnaa iyo Qorshihii Ku Salaysnaa Isirka Ee Xukuumaddu Doonaysay In Maayiar Ku Xigeenka Loo Doorto Nin Hayb Ahaan Ka Soo Jeedda Beesha Bariga Burco Oo Ay Isku Hayb Yihiin MADAXWAYNAHA. Waxaa Kale Oo Dharaarahaas Jiray Salaadiinta , Cuqaasha Iyo Siyaasiyiinta Iyo Waliba Wasiiradda Beesha Habar Jeclo Oo Buux Dhaafiyay Magaalada Berbera Daganaana Hotel Maansoor Berbera Ku Waas Oo Kaanbayn Ugu Jiray Inay Qabtaan Ku Xigeenka .

 

Xildhibaanaddiii Golaha Deegaanka Berbera Ee Dagaalka Adag la galay inaanay Kursiga Tuuganimada, Musuqmaasuqa Iyo Boobka Ay Doonayeen Inay Ku Koraan Beesha Madaxwaynuhu Fashilay , Xildhibaanadaas Oo Ku Suntan Geesiyaasha Saaxil . Kuwaas Oo Damiirkoodu Shaqeeyay Ka Door Biday Shilimaad Ay Maalin Qaataan Ka Dhiidhiyey Inay Noqdaan Dhadhamo Raac .

 

Waa kuwee Xidhibaanada Qorshihii Deegaamaynta Beesha Bariga Burco ee Watay Ajandihii Shirkii Gar-Adag Ka Hor Tagay Kana Dhigay Riyo Damacii Beeshaas.

. Waxaa Kale Oo Aad U Xiiso Badnayd Sababtii Iyo Qorshihii Uu Maayirka Berbera Kursiga Ku Fuulay

. Is Casilaaddii Badhasaabkiii Gobolka RAMAAX Iyo Sababihii Keenay .

.Balanqaaddadii , Laaluushkii Lacagihii Maalyiinka Doolar Ahaa Ee Loo Balan Qaaday Ama-se La Siiyay Xildhibaanaddii Soo Baxay ? Kuwa Dhaameelka Qaatay Iyo Xildhibaanadii Taarikhdda Galay Ee Fashilay Qorshahaas Laga SOo Min Guuriyay Shirkii Gar-adag

 

Ka Dib Markii Doorashadii Golaha Deegaanka Beberba Sooo Gabagabooday Waxaa La Yeedhiyay 21 Xildhibaan Ee U Soo Baxay Inay Noqdaan Golaha Deegaanka , Waxaa Soo Baxay Qorshe Aad U La Yaab Badnaa Kaas Oo Markaad Dib U Eegto Waayihiisa Lahaa .

 

Xukuumada Siilaanyo Waxay Soo Xanbaartay Shan Xildhibaan Oo Bariga Burco Ka SOo Jeedda Oo SiFO Sharciga Baalmarsan Ku Soo Baxay Kuwaas Oo Ka Mid Noqday Taariikhda Abid Golaha Deegaanka Saaxil, Dad waynaha Reer Saaxil Waxaa Maankooda Ka Dhaadhici Waayay Sifaha Ay Ku Soo

Baxeen………………………………………….. La Soco Qaybaha Kale Oo Aad U Xiiso Badan

 

 

Abdi Aziz Ahmed Ismail

golisrange7@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here