Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Markii Labaad Saaxiibadiisii Dureed Ee Ay Isku Fasalka Ahaayeen Usameeyay Munaasibad Qado Sharaf Ah Oo Kulmisey + SAWIRRO

0
1062

 

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici), ayaa munaasibad Qado sharaf ah usameeyey Saaxiibadiisii waayo waayo ee ay isku fasalka ahaayeen Bilowgii Waxbarashadiisa ilaa bilowgii Waxbarashada Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa(Technical-instute) ee kuyaaley Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan Qado Sharafta ah oo ka dhacdey Huteelka Safaari ee Magaalada Hargeysa waxa Kasoo Qeyb galey Saaxiibo badan oo kamid ah Saaxiibad ay Isku fasalka ahaayeen Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici), waxaana halkaasi ka dhacdey Munaasibad aad, Qurux badan oo dib usoo Celisey Xusuusta Sanadihii Madexweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ee Fasaladii khatinka Aqoonta Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Hargeysa, oo ay qaarkood isugu dambeysey Wakhti aad
u fog, waxaana salaan isku bood kal iyo laab ah isku qaabiley,

Martisharafta Munaasibadan lagu Casuumey oo ay ku badnaayeen Saaxiibo kala raagey oo ay wakhti hore isugu dambeysey, oo ka kala yimid Magaalooyinka Dalka,ha ugu badnaato Caasimada Hargeysa,Jabuuti iyo kililka Shanaad .
Madexweyne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil(Saylici), oo hadal kooban ku furey Munaasibadan Qado sharafta ah ee uu ku Maamuusey Saaxiibadiisii Dureed ee ay (Classmite)ka ahaayeen isagoo sheegay in Nolosha Aadumuhu u baahan tahey in Xasuusta dib loogu Celiyo xiligiisii fiicnaa ee uu ku guda jirey Aqoonta Waxbarashada iyo muhiimada ay leedahay Aragtida Saaxiibadiisii ay isku fasalka ahaayeen oo ay soo wada qaateen Waayo ugu fiican wakhtiga Noloshooda Waxaanu Sigaar ah Tilmaan uga Bixiyay in Xusuusta Barisaamdku nafta dawo uga tahey Xiliga Xun,jaahwareerka Siyaasada iyo qabyaalada Mushkilada ku
noqdey Bulshada intaba Islamarkaana, aad Xasuusaneyso Waa Cusub iyo bari Caafimaad qab ah oo Dhulku Barwaaqo iyo Sareedo ahaa.

Waa Markii labaad ee Nooceeda ah oo mid kamid ah Madxada ugu Sareysa dalka Somaliland uu ku qaabilo Saaxiibadiisii ay isku fasalka ahaayeen Wakhti kusiman mudo imika laga joogo sodon sano iyo dheeraad maadaama ay gabagabeeyeen Waxbarashada Sanadkii 1979kii Waxaana Munaasibadaasi lagu Soo gabagabeeyay Jawi Aad u Wanaagsan, oo farxad iyo Qalbi
furnaani ka muuqato,iyo fadhi is xogwareysi iyo jilib laab ah ku yeeshay Gurigiisa uu ka degan yahey Magaalada Hargeysa.
Gabagabadiina Waxa ka mahad Celiyay Munaasibadan Qado sharafeedka ah oo uu Madaxweyne Kuxigeenka ku wehelinayay Ismaaciil Axmed Yaasiin Cumar Xaashi,dhamaanba Xubnahan saaxiibada ay isku fasalka ahaayeen Saylici Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland oo intooda badani yihiin injineero dhinaca Dhismaha ah.

Magacyada Saaxiibada Dureed ee Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland
Cabdiraxmaan-Saylici

1-Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici)
2-Ismaaciil Axmed Yaasiin Cumar Xaashi
3-Axmad Maxamuud Cabdale(indho)
4-Eng Khadar Cali Kaahin(Dankali)
5-Eng Rashiid Maxamed Cali(bakoorada)
6-Eng Axmed Muuse Cali(Ismagabe)
7-Jaamac Warsame Seed
8-Xuseen Sheekh Aadan Cabdi
9-Eng Maxamed Cabaas Jaamac
10-Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf(Jeeg)
11-Calaawi Xasan Guuleed
12-Aadan Daahir Maxamed(Aadan-dheere)
13-Maxamed Ibraahim Muuse
14-Saalax Maxamed Ismaaciil(Shiine)
15-Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud(biingo)

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here