Qaadhaan –bixiyeyaasha Oo Taageeradooda Doorashada Ku Xidhay Dhamaystirka Xeerka Diwaangalinta iyo Komishanka Doorashada

0
867

XISBIYADANairobi , (HargeisaPress) — Gudoomiyeyaasha saddexda Xisbi qaran ee Somaliland Ucid,Waddani iyo Kulmiye oo maalmihiii u dambeeyay kulamo kula lahaa Nairobi Masuuliyiinta Doorashooyinka ka taageera Somaliland ayaa rajo fiican ka muujiyay waxyaabaha kulamadaasi uga qabsoomay.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe,Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi waxay rajo fiican ka muujiyeen qabsoomida doorashada badhtamaha sanadka dambe.

“Saddexda Xisbi iyo Akadamiyada nabada oo noo fududaysay ba waxaanu halkan u nimid arimo la xidhiidha doorashooyinka qaranka.waxaanu la kulanay Qolyaha Qaayaadhaanka bixiya iyo hay’addo kale oo ku shaqo leh Doorashooyinka.waxaanu iska waraysanay halka ay marayaan hawlihii doorashooyinku xaggayaga iyo xaggoodaba iyo farsamadii lagu fulin lahaa.xaggayaga waa ka dhamaad waxaa dhiman laba arin oo Insha Allah Baarlamaanku Ansixin doono marka uu soo noqdo ama inta ka horaysaba hadduu isku yimaado ansixin doono oo kala ah xubnihii Komishanka doorashada iyo xeerkii Diwaangalinta.labaduba waa wax fudud oo  qaadan kara maalin Baarlamaanku fadhiisto, hawlihii kale oo dhana waynu ka soo gudubnay.” Ayuu yidhi Muuse Biixi

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in Qaadhaan bixiyeyaashu u sheegeen in arimuhu xagooda diyaaar ka yihiin balse faahfaahin la siin doono marka Somalialnd xageeda ay ka dhamaadaan Xeerka diwaangalinta iyo ansixinta Komishanka Doorashadu “Qoladan(Qaadhaanbixiyeyaasha)inkasta oo aanay noo sheegin faahfaahin waxay noo sheegeen in Barnaamijkii ka diyaar yahay xagooda islamarkaana hawsha faahfaahinteeda aynu u dhigan doono marka Baarlamanku Ansixiyo labadaas qodob(Xeerka iyo Komishanka)” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro “Waxaanu halkan ku nimid Saddexda Xisbi Oo Mudaysan,mujtamaca Caalamkana waxaanu u sidnay farriin midaysan, waxaanu u nimid arimaha doorashada, sidaas uu sheegay Muuse Arimaha inaga qabyada ah ee Komishanka iyo Xeerka labadaba waa la mudeeyay” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “waxaanu u mahadcelinaynaa Dadka Kulamadan noo suuro galiyay oo Akadamiyada nabadu ugu horayso, waxaanuna caalamka tusaynay sida ay uga go’an tahay Shacabka Somaliland in dalka doorasho ka dhacdo” ayuu yidhi Mr Faysal Cali Waraabe.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here