Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Kormeeray Mashaariic Laga Waddo Berbera

0
1014

Berbera (Hargeisa Press): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland   Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa maanta kormeer ku soo maray mashaariic horumarineed oo xukuumadda iyo Dawladda hoose ee Berbera ay ka hir-geliyeen Berbera.

Madaxweyne ku xigeenka oo maalmahanba kormeer ku marayay goboladda Togdheer iyo Saaxil, ayaa maanta soo indha-indheeyay meelaha ay ka socdaan mashaariicda horumarineed ee magaaladda Berbera.

Mashaariicdan uu Madaxweyne ku-xigeenku kormeeray ayaa waxa kamid ahaa Cusbitaallo casri ah iyo goobo waxbarasho.

Sidoo  kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu kormeeray waddooyin tirro badan oo laga dhisay gudaha magaaladda berbera iyo goobo casri ah oo loogu tallo galay goobaha laga raaco basaska dadku isticmaalaan (Bus Station).

Cabdiraxmaan Saylici,  oo khudbad dheer ka jeediyay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Berbera.

Waxaanu   yidhi “Maanta waxaan kor-meeray mashaariic farabadan oo la qabtay runtiina waa wax lagu farxo, waanan bogaadinayaa maayirka iyo dawladda hoosaba.

Waxaanan  kula dardaarmayaa dagmooyinka kale ee dalka inay sidda Berbera oo kale noqdaan, shahaado ayuu ku mutaystay waxbaqadka maayirka berbera waana hambalyaynaynaa”.

“Waxaan jecelahay inaad dar-dar gelisaan waxqabadkiina, muhiim maaha in lacag badani idin soo gasho laakiin muhiimadu waa inaad tayaysan tihiin, inaad isla-xisaabtan leedihiin, inaad isku-xidhnaansho leedihiin”ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.

Maayarka maagaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xassan (Cidin) ayaa madaxweyne ku-xigeenka uga warbixiyay halka ay marayso mashaariicda horumarineed ee sanduuqa JPLG-ga laga maal-geliyo.

Isagoo  maayarku sheegay in berberi tahay magaaladda kaliya ee sidii loogu tallo galay uga faa’iday barmaamijka maamul daadajinta iyo horumarinta dawladaha hoose ee JPLG-ga.

Wasiirro ka mid ahaa waftiga madaxweyne ku-xigeenka ayaa halkaasi su’aallo la xidhiidha qaabka ay u shaqayso dawladda hoose ee berbera ku waydiiyey maayirka,iyo xoghayaha dawladda hoose ee Berbera.

 

Hargeisa Press/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here