Weydiimaha Warbaahinta Iyo Jawaabaha Masuuliyiinta.

0
1078
Mehdi Hasan PHOTO FILE

HARGEISA  — Warbaahintu waa hubka danyarta u hiilisa waa hiilka dhabta ah ee dawlad wanaaga qaybaha ugu waawayn ka ah,balse tiirarka ugu waaweyn ee tayayn karaa, waa aqoonta iyo maba’diida loo aasaaso warbaahintaas.

Dhibaatada bulshadeena haysata ee sababta u ah in qof faashilmay hadana xil ka qabto isla goobtii uu ku fashilmay, ayaa waxaa usuurta galiya war dhigaalka warbaahintu ku laba aflayso iyadoo raacaysa kolba dheemaalka ama lacagaha  kasoo gala masuuliyiinta iinta leh, oo fursad labaad oo uu umaddana been ugu sheego hela.

Mahdi hassan wuxuu ka tirsanyahay warbaahinta caanka ah ee aljaseera waa wariye ka hawlgala Talafiishanka caanka Aljaseera English, xirfadda wariyanimo waxaa u dheer kalsoonida warbixineed ee uu soo xigto wuxuu ku xardhaa Taariikhda,Mawduuca,sadarka suaasha uu kasoo xushay,ilaa gunaanadka Su’aal xaadirka iska hor imanaysa,waxaanu halkaa ku fashiliyaa cida uu waraysigaas ka qaadayo.

Barnaamijkani waxaa loogu soo casuumay in la xuso fashilaadaha Siyaasiyiinta uu waraysiga la yeeshay,isagoon mucjiso kale la iman,balse xogtii uu kula doodi lahaa si buuxda usoo urursaday, bal wariyahan muuqaladiisa ama barnaamijyadiisa inaynu daawano, kana faaidaysano ayaan u arkaa waxtar wayn.

Mahdi hassan wuxuu soo daayaa Barnaamijyo caan ah oo xiiso badan, sida:-

1- Barnaamijka Head to head

2- Barnaamijka Upfront

Waxaan kula talin lahaa warbaahinta afka soomaaliga kusoo baxa ee geeska africa ka jira, inay awooda saaraan kordhiyaan aqoonta iyo inay fahmaan ujeedada warbaahintu u leedahay Dalka iyo dadkiisaba.

W/Qoray:- Ahmedyasin Sh cumar Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here