Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Oo Tababar U Soo Xidhay Shaqaaleeda Oo La Xidhiidha Hab- Maamuuska Lagu Qaabilo Madaxda Caalamka.

0
878

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasaaradda arimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaqaalaha wasaaraddaasi u qabatay kulan aqooneed lagu baraayo Habmamuuska lagu  Qaabilo Wufuuda Caalamka ee socdaaladda shaqo ku yimaada dalka iyo la dhaqanka iyo qaabilada Madaxda kala duwana ee dunida uga timaada Somaliland.

Kulan Aqooneedkan ay u qabatay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland shaqaalaheeda iyada oo wasaaraddu kaashanaysa Jaamacadda  Hargeysa, ayaa shaqaalaha lagu baraaya Aqoonta shaqaalaha wasaaradda ee la xidhiidha Qaabilaada iyo soo dhaweynta maamuuska Baratakoolka madaxda iyo Wufuuda Caalamka uga timaada Somaliland, waxaana kulankani ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada ee Somaliland md  Liibaan Cismaan Yuusuf (Gaaxnuug) oo isagu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda,  Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Maxamuud Yuusuf Muuse iyo Khabiiro dhinaca dublamasiyadda Caalamiga iyo Siyaasadda oo tababarkani iyagu shaqalaha wasaaradda siin doonta mudada uu socdo kulan aqooneedku, ayaa halkaasi hadalo dardaaran iyo waano ah uga jeediyey shaqaalaha wasaaradda dibadda ee tababarka loo soo Gabgabayey Tobabarkan .

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Cabdiqani Axmed Xasan Goole oo furitaanka kulan aqooneedkani ugu horeyn ka hadlay waxa uu farta ku fiiqay dedaalka ay wasaaraddu ku carbineyso kuna kobcinayso aqoonta shaqaalaheeda waxaanu yidhi “Kulan aqooneedkani waa tababar shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadda u gaar ah, waana mid la xidhiidha hab-maamuuska ama Borotokoolka lagu qaabilo wufuuda Caalamka ee Somaliland inoogu timaada iyo sidii ay shaqaalaha wasaaradu u baran lahaayeen aqoonta la xidhiidha soo dhaweynta madaxda weftiyada dunida inooga timaad, kolka maadama oo ay wasaaraddani qaranka u qaabilsan tahay soo dhaweynta iyo qaabilada wufuuda ajaanibka ee dalka dibadiisa inooga yimaada oo safiiro leh, wasiiro leh oo diblomaasiyiin kala duwan leh aqoonta halkan ay shaqaaluhu ku baran doonaan waa side ayey u qaabilayaan waana tababar muhiim wasaaradda u ahaa oo loo baahna”

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa  isaguna furitaanka kulan aqooneedka kelmadiisa ka yidhi “Runtii Jaamacadda Hargeysa waxay xidhiidh wada shaqayneed la leedahay wasaaradda arimaha dibadda ee Somaliland, mana aha kani kulan aqooneedkii 1aad ee ay la fuliso Jaamacada Hargeysa ee tababaro kalena wasaaradda way la fulisay, waxaanan filayaa wasaaraddani waa  meelaha ama hay’addaha halbawlaha u ah dalka, maadama oo ay halbawle dalka u tahayna waa inay shaqaalaheedu ka gedisnaadaan shaqaalaha kale, waayo dhamaan dadka ajaanibka ama shaqaalaha kale ee inooga imanaaya Beesha Caalamku meesha ugu horeysa ee ay la soo xidhiidhaan ee ay u yimaadaan waa wasaaradda arimaha dibadada, marka wasaaraddani waa al-baabkii dalka laga soo gelaayey”

Wakiil ku xigeenkii Hore ee dalka Kenya  ee somaliland Bare Sare: Cabdirasaaq Axmed Xasan (Karaani) oo Jaamacadda Hargeysa ka dhiga Culuunta Siyaasadda Caalamiga iyo Dublamaasiyadda oo isagu shaqaalahaa wasaaradda siinayey aqoon korodhsiga lagu qabilo madaxda Caalmiga ee dalka timaada, ayaa furitaankii kulan aqooneedkaasi kelmadiisa ka yidhi “Aqoon korodhsigan aynu u furnay shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadu waxa weeye (Diplomatic protocol) oo ah barashada habmaamuuska ee dublamaasiyiinta dalkeena imanaaya, runtiina wasaaradda arimaha dibadda Somaliland iyo shaqaalaheedaba waa aqoon korodhsi muhiim u ah, waxaana aynu og nahay in wasaarada arimaha dibadu tahay Janalkii ama dariiqii ay madaxda caalamku inoo soo maraysay, inaguna aynu qadiyada dalkeena iyo Ictiraafraadinteena marineynay, sidaasi darteed waa in shaqaaluhu helaan aqoonta ay ku qaabili lahaayeen ama kula dhaqmi lahaayeen madaxda iyo wufuuda caalamka, waana taa waxa aynu kulan aqooneedkani ku baran doona  Inshaalaah”

Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada ee Somaliland md  Liibaan Cismaan Yuusuf (Gaaxnuug) oo ugu dambeyntii kulan aqooneedkani wasaaraddu u qabatay shaqaalaheeda iyo waxay mudada tababarku socdo baran doonaan ka hadlaayey waxa uu yidhi “Marka hore waxaan u mahad naqayna Maamulka Jaamacadda Hargeysa oo xidhiidh fiican la leh Wasaaradda arimaha dibadda Somaliland, waxaana muuqata inay Jaamacadu sameysay horumar balaadhan oo keentay inay yeelato horumar balaadhan oo maraysa inay awood u leeyihiin inay dawladda Somaliland inay la dhisaan hay’addaha qaranka gaar ahaan wasaaraddan oo tababaro faro badan oo kala duwan aanu Jaamacadda wada fulinay, runtiina wasaaradda arimaha dibadu qaranka waxay uga masuul tahay oo garbaheeda saaran masuuliyado aad u wayn, masuuliyaddaha laftoodu waxay u baahan tahay in aynu ka soo baxno in ay wasaaradu noqoto mid dhisan oo u diyaar ah, inay gudato xilka iyo waajibka qaranku ka sugaayo, tababarada aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadu iyaduna waa arin muhiima, waana aqoonta aynu maanta halkan ku bari doona shaqaalaha wasaaradda oo noqon dooni mid ku saabsan nidaamka Baratakoolka iyo maamuuska qaabilaada madaxda iyo wufooda caalamka uga timaada Somaliland.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY