Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Tagay Gobolka Awdal Gurmadna Gaadhsiiyay Dadka Abaartu Hayso + SAWIRRO

0
801

Boorama, , (HargeisaPress) —Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Madaxweynuhu ayaa subaxnimadii hore u ambabaxay gobolada galbeedka, safarkaas oo ujeedadiisu ahayd sidii madaxweynuhu shacbiga ay saamaysay abaarta liciifisay dadkii reer guuraaga ahaa ama xoolo dhaqatada ahaa ee deegaamadaa galbeedka.

eebd61fe-9399-42bd-9e93-47a84f4f3270

socodkii uu madaxweynuhu kaga baxay Hargeysa ayaa ahaa mid ku jihaysnaa degmada qolujeed oo iyagu ahayd goob muhiima oo laysugu soo ururiyery dadkii ay abaartu ragaadisay, isagoo madaxweynuhu shacbigii ku sugnaa tuulooyinka, degmooyinka iyo magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama, salaan gacan taag ah u fidiyey bulsho tiro badan oo madaxweynaha la dareen ahaa una muujiyey taageero iyo niyad wanaag ay la garab taagan yihiin dedaalka madaxweynaha ee dhinaca abaaraha, markii ay arkeen in madaxweynuhu ka damqaday shacbiga abaartu saamaysay, kana qaatay go’aamo taariikhi ah oo qaranka dhaxalgal u noqday uu ku dhawaaqay, waxaanu madaxweynuhu intii uu safarka ku guda jiray u degay madaxdhaqameedka deegaamada uu maraayey oo madaxweynaha isu taagay laamiga dhiniciisa, si ay ugu hambalyeeyaan socdaalkiisa iyo inuu la soo arko xaalada guud ee dalku halkay marayso marka loo eego dadka ay abaartu taabatay.

76648812-fb5d-4dee-98ac-5a09d173b133

Madaxweynaha iyo weftigiisuna waxay u sii gudbeen goobaha lagu ururiyey qoysaskii ay saamaysay abaartu kuna caydhoobay, kuwaas oo hadda qaybo ka midi ku sugan yihiin degmada qolujeed, madaxweynuhu markii uu halkaa gaadhayna waxa si balaadhan u soo dhaweeyey dadweynaha deegaanka ku dhaqan oo madaxweynaha iyo weftigiisa u muujiyey dareen waddaninimo iyagoo ka markhaati kacay xaalada adag ee ay ku sugan yihiin dadkaa abaartu waxyeelaysay ee lagu soo daad gureeyey xeryahaas.

dd1517e1-5e45-4dc7-a94d-b2255612d909

isagoo madaxweynuhuna dadkii ku sugnaa xeryahaasi kormeeray kana dhegaystay warbiximo la xidhiidha sida ay abaartu u taabatay, waxaanu madaxweynuhu u kuurgalay indhahana ka soo qaaday xaalada dadkaas, Alle na waxa uu uga baryey inuu u gargaaro raxmad khayrqabtana u shubo, waxaanu madaxweynuhu halkaas gaadhsiyey raashin kala duwan oo loo qaybiyey guud ahaan deegaamada ay abaartu saamaysay, balse uu goobjoog ka ahaa madaxweynuhu dadkii loogu qaybiyey qolujeed raashinka oo dhammaa lix boqol oo qoys in ka badan.

80f5b012-7d98-45b5-a040-5fa8212515b2

dadkaa tabaalaysan ee madaxweynuhu booqday ayaa dareenkooda muujiyey ugana mahadnaqay madaxweynaha dedaalka  uu la barbartaagan yahay iyo socdaalka uu ugu yimid oo ay sheegen inay u tahay dhiirigelin, maantana ay dareemayaan farxad madaama oo madaxweynihii dalku la joogo.

2e556499-4571-402e-890b-01ea431d4518

waxaana halkaa ka hadlay ugaaska guud ee beelaha samaroon, Sulaadiin, Wasiiro iyo Gudoomiyaha gobolka Awdal oo dhamaantood ku nuux-nuuxsaday xaalada abaaraha iyo dedaalka madaxweynuhu ka geystay xaaladaas.

 

ka dib weftigii madaxweynuhu hogaaninaayey waxay u soo kicitimeen magaalada boorama oo ay caawa ku sugnaan doonaan.

63c2885c-b435-406b-ae98-d70dd7e15445

Waxaana Xusid mudan in markii madaxweynuhu soo gaadhay magaalada Boorama ay halkaasi ka curteen roobab badiba ka da’a ay nawaaxiga boorama ilaa hargeysa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here