Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Loo Sameeyay Wakaalladda Biyaha Berbera

0
670
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Berbera (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhigga ka jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo bineeyey Wakaalladda Biyaha ee Magaaladda Berbera.

Munaasibadda xadhig ka jarista oo lagu qabtay xarunta Wakaaladda Biyaha ee Berbera, isla markaana madaxweyne ku-xigeenku wuxuu kormeer ku sameeyey xafiisyada kala duwan ee uu dhismaha cusubi ka kooban yahay, iyada oo ay masuuliyiinta Wakaallada iyo Wasaaradda Biyuhuna warbixin kooban halkaas ku siiyeen Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne ku-xigeenka oo khudbad ka jeediyay munaasibdaasi ayaa yidhi “Waxaan bogaadinayaa dhismahan cusub ee ay yeelatay Wakaalladda biyuhu, waa horumar soo kordhay cashuurtii muwaadiniinta laga qaadayay ayaa wax loogu qabtay waanay ku amaanan yihiin masuuliyiinta Wakaalladu, Sidoo kale waxan masuuliyiinta Wakaalladda Biyaha Berbera usoo jeedinayaa inay illaaliyaan oo dar-yeelaan shaqaale weynaha Wakaalladda si shaqadu dar-dar u gasho” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here