Madaxweyne dadkaagii Abaaruhu Halista ku Hayaan ma waxaad kaga Mashquushay Iskushaandhayn laga Adimay iyo muddo kordhin Raadin..? W/Q Kaptanka

0
1046

Isku shaandhayntii uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golahiisa xukuumada iyadoo waqtigii xukuumadu gabaabsi yahay isla markaana wadanku marayo marxalad adag oo dhinacyo badana sida abaar baahsan oo dalka oo dhan saamaysay biyo dhaan iyo baad la.aan dalku ku suganyahay kuna soo beegantay waqti wadanku doorashooyinkii la rabo inay xukuumadu qabato waqtigii loogu talo galay.

In marqudha madaxweynuhu wada badalo Wasiirkii maaliyada iyo gudoomiyihii bangiga dhexe waxay sababi karta in lacago badan lalunsado intay masuuliyinta cusubi laqabsanayso shaqada ku cusub marna lama wada badalo hadaanay iman wax adag oo daruuriya.

Waxaa wax lala yaabo ah in Xukuumadii dalkan xukumaysay iyo madaxweynihii dalkan xilka ugu wayni kasaara miyi iyo magaalo maalqabeen iyo mid liitaba uu dadkiisa abaaruhu faraha baas ku hayaan kaga mashquulay isku shaandhayn aan macno dadka u samaynin iyo lacagtii ahayd cashuuraha dadka masaakiinta ah lagasoo ururiyey oo lagu boolatiigayo laguna qabsanayo xaflado waawayn oo xukuumada lagu taageerayo.

Lacagtii ku baxday xafladii ugu danbaysay ee xukuumadu ugu qabatay H.M xisbigeeda kulmiye  waxay kor u dhaaftay boqolaal kun oo dollar. Lacagtan hadii lagu taageeri lahaa dadka muwaadiniinta ah ee abaartu hayso iyo biyo la.aantu wax wayn ayay u tari lahayd biyo dhaana loogu sameeyo dadka xoolo dhaqatada ah ee biyo dhaanka maanta ay ku jiraan ay udheertahay dadkii iyo xoolihii oo labada loogu doonayo magaalooyinka waxay cunaan sida gorow loogu soo doonayo gaadiidka. Iyadoo aynu garanayno in caws ama gorow gaadhi lagu qaaday aanu xoolo xero ku jira waxba ka tarayn hadana dadkii lasilcayaan.

Xooluhu waa lafdhabarta dhaqaalaheena reer miyiguna waa cashuur bixiyaha ugu wayn waayo haday xooluhu inaga madhaan magaaladana lajoogi maayo .Dekada Barbara oo ah meelaha dhaqaalaha ugu badan dowladu ka hesho waxay dekad ku tahay dhoofinta xoolaheena ileen waxkale dibad uma dhaafinee.Sidaa darteed waa inan u gurmanaa dadkeena abaartu hayso xukuumaduna waa inay hormood ka noqotaa sidii aan ubarbar istaagi lahayn dadkeena xoolo dhaqatada ah oo kusugan ceelna uma qodna ceelalyona uma maqna ilahay oo raxmadiisa keena mooyee.

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqayaa xukuumada maanta ee Jamhuuriyada Somaliland ee hormuudka ka yahay madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamud Siilaanyo in sida ugu dhaqsaha badan u hawlgalo sidii xukuumadu gacan wax ku oola uga gaysan lahayd dadka abaaruhu saameeyeen ee gobal walba sida loo kala daranyahay loogu gurmado. Shacabkuna waa inay fadhiga uga kacaan dadkooda hadaynaan isku naxarisan roob inoo di i maayo. Ilahayna waxaan ka baryayaa inuu roobkiisa inoogu deeqo isaga ugu khayrbadan mid gargaaree.

Allaah Mahad leh

Abdiqani Ibrahim Salaf Kaptanka
Realcabdiqani@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here