Golaha Degaanka Gabiley Oo Maayar Cusub Doortay + SAWIRRO

0
988

Gabiley (HargeisaPress) — Golaha degaanka Gabiley, ayaa fadhi ay maanta yeesheen ku doortay Maayar cusub kadib markii Maayarkii hore loo magacaabay Wasiirka Warshadaha Somaliland.

Fadhi maanta Goluhu yeeshay ayaa cod loogu qaaday Maayarka cusub oo aanay jirin Cid la tartamaysay, waxaana Duqa cusub ee Gabiley loo doortay Xildhibaan Maxamed Cumar Cabdi(Maxamed Amiin). Fadhiga oo ay ku sugnaayeen 18 Xildhibaan ayay intuba codkooda siiyeen Maayarka islamarkaana cid diiday iyo cid ka aamustay midna aanay jirin.

10397823_429601007198486_365630929236969392_n

Mudane Maxamed Aamiin, ayaa ka soo baxay Xisbiga Ucid, waxaana madasha ku sugnaa Wasiir xigeenka Gobolada iyo degmooyinka wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Gabiley oo mudaneyaasha degaanka uga mahadceliyay sida hufnaanta leh ee ay iskaga dhex doorteen Maayar hogaamiya.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here