Madaxweyne Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyay Burco+Sawirro

0
915

Burco (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha  Somaliland  ayaa   dhagax-dhig iyo xadhig ka-jaris ku sameeyey mashaariic waaweyn oo xukuumadu  ka fulisay gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweynuhu isaga oo ku gudo jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollo ka mid ah dalka Somaliland waxa uu xadhigga ka jaray  Xabsi weyn oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, isagoo sidoo dhagax dhigay 20 (Labaatan qol) oo cusub oo loo dhisi doono cusbitaalka guud ee magaalada Burco.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa soo kormeeray  garoonka kubbadda cagta  Alamsey Stadium ee magaaladda Burco oo  Roogga macmalka ah uu gacantiisa ku dhigay.

Madaxweynaha ayaa hadallo ka jeediyey goobaha kala duwan ee uu dhagax-dhigga iyo kuwa uu xadhig ka-jaray.

Waxaanu  bulshada reer Burco iyo maamulka  gobolka ba uga mahadceliyey sida ay ugu heellan yihiin horumarka iyo isku filnaanshaha, waxana uu kula dardaarmay inay sii xoojiyaan isku filnaanshaha iyo isku duubnidooda.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu si hufan uga hadlay muhiimadda uu bulshada u leeyahay xabsiga weyn ee uu xadhigga ka jaray,  isaga oo tilmaamay in jeelku yahay madal lagu dhaqan celiyo cid kasta oo qalloocata.

“Jeelku waa halkii saldhigga u ahayd nabadgelyada, wanna halkii qofka qalloocan lagu toosin lahana, waxana aynnu ka dhigaynaa, kii toosi waayana meel sharkiisa dadka lagaga hayo, waana jaamacaddii dhaqan-celiska, waxana uu noqonayaa mid wax into toosiya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay  garonka kubbadda cagta ee la dhigayo Rooga casriga ah, waxa uu  dhallinyarada reer Togdheerna ku adkeeyey inay muhiimad gaar ag suutaab midnimadooda iyo wada-jirkooda.

Waxaanu  yidhi “Dhallinyarada reer Togdheer waxa laga doonayaa inay noqdaan kuwii Togdheer lagu yaqaannay ee aan dhaafi girin reer Togdheer baannu nahay, dhammaanteenna waxa la inaga rabaa in aynnu ka hor tangno wixii inaga jeedinaya horumarka, khilaafaadkaa kamid ah,  qabyaaladdaa kamid ah, kelmadda Annagana waxaynnu ku beddelaynaa Innaga Somaliland, ninkii Somaliland oo dhan ku abtirsada uun baana laandheere ah”.

Geesta kale masuuliyiinta xukuumadda u qaabilsan gobolka Togdheer, gaar ahaan xubnaha ku shaqada leh  xarumaha dawladeed ee la dhagax-dhigay iyo kuwa xadhigga laga saray, ayaa madaxweynaha wehelinayey.

Iyagoo  si kooban uga war-bixiyey muhiimadda ay leeyihiin  xarumahani, hoostana ka xarriiqay sida ay masuuliyiin ahaan diyaarka ugu yihiin inay dhammaystiraan mashaariicda kala duman ee uu madaxweynuhu  dhagax dhigay.

Daawo Sawirradii Dhagax dhiga iyo Xadhig ka jarista mashaariicda Burco:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here