Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Geerida General Maxamed Nuur Galaal

0
2318
Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press) — Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu ka xunyahay dhibatada ay ku jiraan dadka Soomaaliya islamarkaana ay Somaliland cawin lahayd hadii ay reer Soomaaliya qiri lahayeen qaranimada Somaliland.

Madaxwayne Biixi ayaa arintan ka yidhi munaasibada sanad guurada ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka Milateriga Somaliland oo maanta lagu qabtay taliska guud ee ciidanka, waxaanu sheegay in ay isaga iyo shacabka Somaliland ba ka xunyihiin dhibatada ka socota Soomaaliya.

“Soomaaliya dadna waynu isugu xignaa oo waa Soomaali, waa muslim, dhibatada gaadha way ina damqaysa, waa u ducaynaynaa uun wax kale uma qaban karnee, hadii aynu itaal wayn lahan lahayn oo iyaguna waxa aynu nahay garan lahayen oo siday u fikirayan si ka duwan u fikiri lahayen dadkooda iyo dawladoodu, manta tabaladooda iyo waxtar kooda dadka ugu dhaw ee qaban laha baynu nahay”.ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, madaxwaynaha ayaa sheegay sida uu uga murugooday dilkii Janeral Maxamed Nuur Galaal iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay Hotel Afrik ee magalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu aqoon fiican u lahaa Alle ha u naxaristee Janeralka.

“Waxan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya, ee dhiigoodu daadanayo ee muslim ka ah ee Soomaalida ah ee aanu hebel iyo hebel u garanayno, oo ay ugu danbeeyen kuwii shalay Hotel Afrik lagu laayay, ee uu ugu danbeeya Jeneral Galaal oo aan shakhsiyan aad iyo aad u aqanay oo aha oday Soomaaliyeed, oo waliba qadiyada Somaliland dadka xogogalka u ah ee waxay ku fadhido garanaya ahaa aad iyo aad baan ugu tacsiyaynayaa qoyskiisi iyo qarabadiisi”.ayuu yidhi Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here