Madaxweynaha Somaliland oo Magaalada Addis Ababa Ugu Baxaya Marti-qaad uu ka Helay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya

0
860

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed oo la filayo inay kulankoodii u horeeyey yeeshaan + arrimaha laga yaabo inay ka wadahadlaan

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar shaqo ugu baxaya dhinaca magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya Arbacada maanta.

Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray safarka Madaxweyne Muuse Biixi, balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa wargeyska Jamhuuriya u xaqiiyey xalay in socdaalka Madaxweynaha Somaliland la xidhiidho marti-qaad uu ka helay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Ahmed, iyadoo la filayo in labada hoggaamiye ay ka wadahadlaan arrimo kala duwan oo khuseeya xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Safarkan shaqo oo noqonaya kii u horeeyey ee uu Madaxweynaha Somaliland ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed taariikhdu markii ay ahayd 2 April 2018, ayaa sidoo kale la rajaynayaa in kulankooda lagu soo hadal qaado isbeddelka siyaasadeed ee ka socda Gobolka Geeska Afrika, qorshayaashaas isbeddel oo uu hormuud u yahay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xilka Madaxweynenimo loo dhaariyey 13 December 2017, ayaa hore safar shaqo ugu tegay dalka Itoobiya bishii January ee sannadkii 2018, isagoo shirar la qaatay madaxda sare ee waddankaas oo uu hormuud u ahaa Ra’iisal-wasaarihii xilligaas xilka hayey Mr. Hailemariam Desalegn.

Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya oo wadaaga xuduud aad u dheer, waxa ka dhexeeya xidhiidh dhinacyo kala duwan ku salaysan oo ay ugu muhiimsan yihiin iskaashiga amniga, ganacsiga, dhaqaalaha iyo wada-noolaanshaha labada ummaddood ee labada dal, halka sidoo kale ay Itoobiya qayb ka tahay maalgashiga lagu samaynayo dekedda Berbera, iyadoo maalgashigaas ku leh saami dhan 19%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here