Madaxweynaha Somaliland Oo Caawa Kormeeray Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa

0
632

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa Kormeer kedis ah ku tegay cusbitaalka guud ee  magaaladda Hargaysa.

Waxaanu madaxweynuhu kormeerkiisan ku booqday Bukaanada jiifa Cusbitaalka oo uu ku booqday waadhadhka.

Waxaana kormeerka ku wehelinayay madaxweynaha, taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere, guddoomiyaha hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga Cabdikariim Axmed Xinif.

Ergeyga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo guddoomiyaha Jaamacada Hargaysa Maxamuud Yuusuf Muuse.

Madaxweynaha ayaa qof qof isu dul-taagay bukaanada isagoo halkaasi ku xaal waraystay islamarkaana u sheegay in ujeedadiisu tahay inuu ogaado sida loogu shaqaynaayo bukaan jiifka.

Waxaanu halkaasi ugu duceeyey dhammaan dadka xanuunsanaya oo uu Ilaahay uga baryey madaxweynuhu inuu xannuunka ka dul qaado caafimaad taam ahna ugu beddelo.

Dhanka kale waxa uu madaxweynuhu kormeerkiisa ku tegay qeybta ay wax ku bartaan ardayda Jaamacada Hargeysa ee barata caafimaadka.

Isagoo halkaasi kula kulmay macalimiin ajaanib ah kuwaasi oo kasoo jeeda waddanka Turkeyga islamarkaana tababar dhanka qaliinka ah siiya ardayda Jaamacada Hargeysa ka barata caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa Dhakhaatiirtaasi uga mahadceliyey dedaalkooda iyo tacabka ay ardayda gelinayaan.

Sidoo kale-na waxa uu ardayda ku dar-daaray inay wax badan ka faa’idaystaan khabiirada caafimaad ee wax u dhigaya, wakhtigoodana gelinaya dalka.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here