Ugaaska Guud Ee Gobolka Hiiraan oo Qaabiley Guddiga Somaliland Ee Gurmadka Fatahaadda

0
869

Beledweyne (Hargeisa Press)- Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah madaxda dhaqanka Soomaaliya ayaa maanta munaasabad qado sharaf soo dhaweyn ah ugu sameeyay magaalada Beledweye Guddiga Gurmadka Somaliland ee Fatahaadda oo maalintii shalay magaalada soo gaadhay.

Ugaas Xassan ayaa sheegay in guddiga ku soo dhaweynayaan magaalada isaga oo uga mahad celiyay jawaabta ay ka bixiyeen ka qeybqaadayasha Gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta weyn ku yeesheen Daadadkii dhawaan ku ku fatahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

”Waan ka mahad celineynaa gurmadka aad noo fidiseen iyo is garab taaga aan noo muujinseen, Soomaali waa walaalo, waana Hal, waxaa is weydiin mudan  yaa is diidan ma siyaasiyiinta mise Dhaqanka ayuu yidhi” Ugaas Xassan oo sheegay in Soomaali marnaba is diidaneyn.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Somaliland Jamaal Ceydiid Xassan ahan guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ugaas Xassan kulanka qado sharafta ah ee uu u sameeyay, isaga oo sheegay in tallaabada ay qaadeen aheyd mid waajib ah.

Wafdigan oo maalintii shalay soo gaadhay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in lacag dhan $600,000 oo dollar oo ka timid bulshada reer Somaliland u sidaan dadka ay saameynta adag ee dhinaca nolasha ah ku yeesheen Fatahaadihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne.

 

Hoos ka daawo muuqaalka sawirrada:

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY