Wefti Ka Socda Killinka Oromadda Itoobiya Oo Hargaysa Lagu Soo Dhaweeyay

0
610

Hargaysa (HP): Wefti ka socda dawlad degaanka Oromiya ee dalka Itoobiya oo ay hogaaminayso haweenayda madaxweyne ku-xigeenka ah Killinka Oromadda ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Hargaysa.

U jeedadda weftigan ka socda Killinka Oromadda Itoobiya ayaa la xidhiidha sidii ay uga qayb geli lahaayeen furitaanka bandhig carweed lagu soo bandhigayo ganacsiga Somaliland oo beri ka furmaysa magaaladda Hargaysa.

Waxaana weftigaasi magaaladda Hargaysa ku soo dhaweeyay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Somaliland, wasiirka ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo safiirka Somaliland u fadhiga dalka Itoobiya.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedadda weftigani ay u yimaadeen Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Weftigani waa wefti inooga yimid Killinka Oromiya ee dalka Itoobiya. Waxay u yimaadeen carwo ganacsi oo aan beri ka furi doono hudheelka Grand Hadi ee magaaladda Hargaysa.

Carwadaasi ganacsi oo u jeedadeedu tahay in aynu dhiiri gelino baayac-mushtarkeena iyo wershadaheenu waxay soo saaraan”.

Waxa kaloo uu sheegay wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya in weftigan ka socda Killinka Oromadda iyo wefti kaloo ka socda Killinka Soomaalida Itoobiya oo maanta lagu soo dhaweeyay magaaladda Tog-Wajaale ay u yimaadeen ka qayb galka carwadda.

“Weftigan ka socda killinka Oromadda iyo wefti kaloo saaka Hargaysa yimid, oo ka socda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, labaduba waxay u yimaadeen in ay nagala qayb galaan carwadaasi.

Maalinta Khamiista ahna haddii ALLE idmo, waxaan weftigan gayn doonnaa dekadda magaaladda Berbera, si ay u soo indho-indheeyaan”ayuu yidhi danjiraha Somaliland u fadhiga Addis Ababa.

Geesta kale wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa isna hadal ka jeediyay halkii ay ku soo dhawaynayeen weftigan ka socda killinka Oromadda ee dalka Itoobiya.

Waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay soo dhawaadda, weftigan balaadhan ee ka socda killinka Oromadda ee dalka Itoobiya, ee ay hogaaminaysa madaxweyne ku-xigeenka killinka Oromiya.

Killinka Oromadda iyo Killinka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waa labadda Killin ee aan aad isugu xidhan nahay xagga ganacsiga”.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Killinka Oromadda ee dalka Itoobiya oo weftigan hogaaminaysay ayaa tilmaantay in ay Somaliland u arkaan dalkoodda labaad, isla markaana mudadda ay joogaan la isla qiimayn doono siidi loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi.

“Somaliland waa dalkayaga labaad, waxaanan dareemaynaa in aanu dalkayagii joogno. Waanad ku mahadsan tihiin soo dhawaynta aad noo samayseen. Waxaan nahay labadda dal oo jaar ah.

Waxaanan ka wada hadli doonaa labadda maalmood ee soo socda, sidii aynu isaga kaashan lahayn horumarinta bulshooyinkeena iyo arrimaha dhaqaalaha”ayay tidhi madaxweyne ku-xigeenka Killinka Oromadda Itoobiya.

Hargaysa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here