Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Marxuum Gacma-dheere + SAWIRRO

0
865

Hargeysa, (HargeisaPress) — Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Waxa uu maanta ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo lagu aasay Xabaalaha Naaso-hablood ee Hargeysa.

aaskaga

Aaskan qaran oo ay isugu yimaadeen guud ahaan madaxda dalka oo aan u kala hadhin iyo qaybaha bulshada, oo ay hogaaminayaan Boqorada, Ugaasyada, Sulaadiinta, Caaqilada, waxgaradka, Ganacsatada, aqoon yahanka iyo qaybaha kala duwan bulshada oo aad  u tiro badan.
AASKA GA
Alle ha u naxariistee Marxuum Gacma-dheere, ayaa ku baxay gacanta Askari ku sugnaa Bar kaantarool oo ku taala degmada Qoton, halkaasi oo Marxmuuku kaga mid ahaa wefti la socday wasiirka Caafimaadka.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here