Madaxweynaha Qaranka oo Digreeto ku Meel Mariyey in Sannad kasta la Xuso 20-ka February ‘Maalinta Dhallinyarada Qaranka

0
1273
President of Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud "Silanyo"

Hargeysa,(HargeisaPress) — Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye,ayaa soo dhaweeyay digreetada Madaxweynuhu ku shaaciyey in ay noqoto 20-ka February Maalinta Dhallinyarada Somaliland.

Agaasimaha oo Qoraal ku baahiyay Bartiisa Facebook waxaanay u dhignayd sidan :

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaan ku boggaadinaya ugana mahad-naqayaa anniga oo ku hadlaya Afkayga, ka Dhallinyarada dalka iyo ka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, inuu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyay inay ahaato maalinta (Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).

Madaxweyne Siilaanyo isaga oo marwalba u nugul ayna ka go’an tahay horumarka iyo taabo-gelinta himmilada dhallinyaradda dalka, waxa uu Maanta jawaab dhiiri-gelin ah ka bixiyey codsi ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha u gudbisay, taas oo summaddeedu ahayd WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysneyd 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu qiimeeyay Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiiri-galiyo.

Wuxuu Madaxweynuhu Go’aansaday: In maalinta 20-ka bisha labaad (February) ee sannad walba loo asteeyay in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaas sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.

Ugu dambeyntii, waxaan mar labaad leeyahay Mahadsanid Mudane Madaxweyne, sidoo kalena waxaan iyagana uga mahad-celinayaa cidkasta oo door muhiim ah ka geysatay Digreetada Madaxweynaha.

Guul iyo Gobbonimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here