Madaxweynaha JSL Oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Kana Dhegeystay Xog-waran Ku Saabsan Dar-dargelinta Shaqaalaha

0
1228

Hargeysa (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gudida sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban qeybaheeda kala duwan ee Hay’adda shaqaaluhu ka kooban tahay, la qaatay kulan la xidhiidha sidii loo dar-dargelinlahaa loona tayeyn lahaa shaqaalaha Dawladda.

Markii kulanku soo dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle, waxaanu yidhi “Saaka gudida sare ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ka kooban qeybaheeda kala duwan ee Hay’adda shaqaaluhu ka kooban tahay, waxay kulan xogsiin iyo xoq qaadasho ah ay ugu yimaadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaa  aad iyo aad marka koobaad hay’adda shaqaalaha dawladda ugu  sharaf ah uguna farxada in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ay noqoto hay’addii ugu horaysay ee uu u yeedho, si uu xogna uga qaato dardaaran iyo ammarrana  u faro, hay’adda shaqaalaha oo loo yeedha waxay la macnatahay cududii shaqaalaha qaranka oo dhan in  laysugu yeedhay markaana loo sheegayo dardaaranka iyo dardar gelinta, siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga go’antahay qiimaha uu  u hayo shaqaalaha qaranka.

Hay’adda shaqaaluhu iyadoo ajiibaysa Madaxweynaha ayey saaka halkan ugu timi waxaanay ka wada hadleen qodobo doora, ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxay hay’adda shaqaalaha dawladdu ka warsiisay waxay hay’addu u igman tahay waxay ku aadan tahay iyo mustaqbalka dhow waxaanu higsanayno aanu doonayno in qarankan habkiisa shaqayneed kor loogu qaado, waxaan ka warsiinay Madaxweynaha dardar gelinta, tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo cududooda, inay lagama maarmaan tahay in la tiriyo oo cududooda iyo tiradooda iyo baahsanaantooda intaba lasoo helo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si weyn buu u qaatay islamarkaana uu balan qaaday inuu garab iyo gaashaan buuxa ugu yahay in qaranku si degdega ah uu dib u habaynta ugu horaysa uu ka bilaabo hagaajinta shaqaalaha dawladda.

Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay dhawaan bilaabaysay tirintii iyo tayeyntii shaqaalaha dawladda si loo helo tiro sugan, marka tiro sugan la helana ay noqoto in lagu daba galo amma la hagaajiyo, intii kulanku socday wuxuu si adag uga hadlay madaxweynuhu daba-galka saacadaha shaqada, la dagaalanka musuq maasuqa wakhtiga in shaqaalaha dawladdu ummadda adeega siiyaan wakhtigana ilaaliyaan, fikir wadaag, dardaaran iyo indho soo jeedana wuxuu ku eegay mushaharka shaqaalaha dawladdu qaataan sida loo kobcin karo halka loo horumarin karo dhammaantoodba.

Hay’adda shaqaalaha dawladdu ugu danbayn halkan waxay iclaaminaysaa in tirintii iyo daba-galkii shaqaalaha dawladdu uu hadda furmayo, madaxweynahana aan uga mahadcelinay garab jooga iyo baal jooga uu arrintaasi ku garab joogsaday, mudada tirinta shaqaalaha dawladda ee la sugayo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda, waxaanay qaadan doontaa muddo Lixdan cisho ah ilaa Todobaatan cisho ku siman.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu amar ku bixiyey in inta la sugayo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda si loo qaato baaxad weyn oo shaqaale in Todobaatankaa cisho aanay dawladdu qaadan shaqaale cusub balse ay kala hufi doonto intii hore ee shaqaale ee qaranka u diyaarsanayd, arrintaasi waxay bushaaro u tahay dhammaanba shaqadoonkii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhalinyarada ahaa, inta kala hufayo shaqadii hore ee is dhextaalay si loo helo shaqo abuur wanaagsan si odayaasha iyo waayo araga dalkeenu ay u helaan hawlgab wanaagsan oo ay qaranka uga baxaan si aan usoo ogaano da’dooda, si hawl gabkiina si wanaagsan loogu sagootiyo islamarkaana gacmo aamina loogu ogaado dadkeena da’adu heshay laakiin dedaalka badan qaranka usoo galay, hawshaasi maanta ayey heshay taageerada madaxweynaha iyo baal joogsigiisa.

Waxaan ugu bushaaraynaynaa dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, inuu shaqo abuur wanaagsani uu halkaasi kasoo bixi doono, waxaan sii goodinaynaa cid walba oo doonaysa dheefta qaranka inay qaadato laakiin aan u dhabar jabin, aan doonayn inay ummadda u adeegto ee doonaysa cashuurta dadka laga guro  inay ku mushahar qaadato iyagoo aan doonayn inay ummadda u adeegaan iyagana goodi bay u tahay, waxay bushaaro u tahay ee dareemaya siyaasadahooda iyo horumarintooda iyo hawl gabkoodaba ay ka hortaagnayd in xogtooda la helaa inay maanta hawshaasi soo bilaabi doonto, hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay uga mahad celinaysaa Madaxweynaha kulankaasi uu ku qaabilay qiimayntaa uu siiyey iyo sidaa uu u fahamsan yahay una dareensan yahay cududa shaqaalaha oo la kordhiyaa inay tahay qaran tis-qaad shaqo horumarta, qaran dhammaantii u wada jeeda horumar dheer inuu higsado dhammaantiin aad baad u mahadsan tihiin ayuu yidhi gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here