Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa iscasilaadda ka aqbalay Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) diidmada uu diiday Xilka Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex ee loo Magacaabay, sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu Xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Aadan Cige (Deyr), taasi oo u dhignayd Sidan,
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay (Habeen hore) la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.
Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqaalad
Ku: Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro) Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex/Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
Mudane,
Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.
Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.”
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.