Madaxwayne Siilaanyo Oo Safar ugu Baxay Dalka Kuwait Iyo Ujeedka Safarkiisa + SAWIRRO

0
925

HARGEISA , (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ayaa ka dhoofay dhabaha diyaaradaha ee Egal International Airport Hargeisa galabta.

SAFAR 2

Weftiga Madaxweynuhu hogaaminaayey ayaa sidii warkii horeba aanu ku cadaynay waxa uu martiqaad rasmi ah ka helay Dalka Kuwait oo madaxweynaha iyo weftigiisa u soo diray diyaarad gaara oo madaxweynaha toos u geyndoonta dalka Kuwait, halkaas oo la filaayo in madaxweynuhu kulan kulayeeshi Amiir SheikhΒ Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo isagu madaxweynaha u fidiyey martiqaadka.

SAFAR 3

Madaxweynuhu intii aanay ka dhoofin madaarka Egal International, waxa uu Qasriga Madaxtooyada dhexdeeda salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaran Somaliland.

SAFAR 4

Xubnaha Madaxweynaha ku Wehelinaayey Safarka

  1. Marwada Madaxweynaha Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde,
  2. Wasiirka WasaaraddaMadaxtooyada Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi,
  3. Maareeyaha Dekeda Caalamigaa ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor)
  4. Xoghayaha gaarkaa ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali

SAF

SAFA

safar 8

sa

 

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here