Loolanka Siyaasadeed ee Wasiirada ka soo jeeda Gabiley iyo Wasiir Samsam oo Xaraaradiisa Laga Dareemayo Gobolka

0
1047

Gabiley , (HargeisaPress) —Baryahan danbe waxaa soo baxaya loolanka u dhaxeeya labada wasiir ee ka soo jeeda Gabiley ee Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse oo isku dhinac ah iyo Samsam Cabdi Aadan oo dhinac ah.

 

Hirdankan ayaa wuxuu salka ku hayaa cida uga masuul noqonaysa xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) gobalka Gabiley, iyadoo Wasiirka Maaliyadu iyo labada wasiir ee ka soo jeeda gobalka Gabiley uu xafiiltan wayn ka dhaxeeyo  taasoo aad looga dareemayo Gabiley.

 

Wasiir Samsam Cabdi Aadan ayaa inta badan xukuumadda Somaliland u soo wakiilataa arimaha gobalka Gabiley ka taagan iyadoo aan inta badan aanay ku wehelin wasiirada ka soo jeeda Gabiley. Balse tani waxay dhabarjab ku noqonaysaa wasiirada Gabiley oo aan kaba warqabin dadka ay matalaan ee ay xukuumadda magacooga ku joogaan.

 

Goobaha lagu falanqeeyo siyaasadda gobalka Gabiley ayaa si wayn looga dareemayaa arintan oo soo jiidatay maskaxdoo balse aan dhawrno wakhtiga iyo halka ay ku biyo shubato tartanka ama hirdanka siyaasadeed ee cida xukuumadda Soomaaliland u daba fadhiisan doonto arimaha Gabiley.

 

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here