Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Tobankii Hablood Ee Ugu Sareeyay Imtixaankii Dugsiyada Dalka + SAWIRRO

0
1189

Hargeysa,(HargeisaPress) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qaabiley tobankii hablood ee ugu sareeyey imtixaanaadkii sanad Dugsiyeedka 2017-2018 ee Dalka odhan.

Waxaanu madaxweynuhu Ardaydaasi ku dardaaray inay halkaasi ka sii wadaan dedaalkooda aqooneed oo aanay marnaba ka caajisin ogaadaana in ay hadduun gudo galeen aqoonkii ay ku Soo dhex jireeen 12kii sanno ee hore.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ardaydaasi ugu duceeeyey in Alle u siyaadiyo aqoonta iyo dedaalka ay la yimaadeen kuna Soo gaadheen heerkan ay maanta joogaan.

Kulan uu madaxwayne muuse biixi ku qaabilay ardaydan ayaa waxaa ku weheliyay wasiirada qoyska iyo arimaha bulshada ,warfaafinta iyo xubno kale oo kamida xukuumadiisa .

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRAADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here