Madaxda Ururka Midowga Yurub oo ka Shiraya Colaadaha ka Taagan Ukraine

0
914

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande iyo haweynayda hogaamisa Jarmalka ee Angela Markel ayaa lagu wadaa in ay wada hadalo ka yeeshaan colaadaha sii fidiya ee ka jira bariga Ukraine ,xilli lagu wado in shirkan uu goob joog ka noqdo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kaddib kulanka madaxweynaha Ruushka waxaa jiri doona wada hadallo deg deg ah oo ka dhici magaala madaxda Ukriane ee Kiev, halkaasi oo lagu soo bandhigi doono qorshe nabadeed oo xal looga gaadhayo xiisadahan cusub.

Dowladda Ruushka ayaa lagu eedeeyay hubaynta kooxaha gooni ugoosadka ah ee Ukraine, inkastoo madaxda Mascow ay eedaymahaas ku tilmaameen waxba kama jiraan laga soo dhoo-dhoobay Maraykanka.

Isku-dhacdyada ka jira Ukraine ayaa la sheegay in ay ku naf waayeen dad lagu qiyaasay 5,400 oo qof sidaa waxaa lagu yidhi qoraal kasoo baxday hay’adaha kaalmada u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Si KMG ah ayaa loo shaaciyay heshiis xabad-joojin ah oo kooxaha iska-soo-horjeeda ee ku dagaalamaya bariga dalka Ukraine dhexmaray si shacabka loogu ogalaado inay ka baxaan goobaha ay colaaduhu ka jiraan.

Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka oo hadda booqasho ku jooga Kieve ayaa sheegay in xal diblumaasiyadeed lagu dhamayn karo arimahan ,isla markaana dowladdiisa aysan indhaha ka laaban doonin gardarada Ruushka.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here