Madax-dhaqameedku Waa Hoyga Nabadu Ay Hadhsato..!

0
945

HargeisaPress — Umad waliba waxay leedahay dhaqan kaas oo lafalgala nolosha iyo waayaha hadba taagan. Umada reer Somaliland waxay ka mid tahay dadyowga dhaqankoodu sida tooska ugu xidhanyahay noloshooda. Hogaamada dhaqanka reer Somaliland sida Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada, Garaadada iyo dhamaan madax dhaqameedku waxay kaalin muhiima kaga jiraan yagleelka dawladnimo iyo dhismaha qaranka Somaliland. Bilawgii nabadaynta umada walaalaha ah ee reer Somaliland waxa seeska u dhigay waxay ahaayeen  madax dhaqameedka soona afjaray dagaaladii sokeeye iyo colaadahii dhex yeelay beelaha walaalaha ee reer Somaliland.

 

Nabada Somaliland waxa ku suntan madaxda dhaqanka kuwaas oo kaalin muhiima kaga jira ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida bulshada dhexdeeda.

 

Salaadiinta ama madax dhaqameedku waa astaanta nabadgalayada, waxaanay hadh iyo habeen ka shaqeeyaan midnimada bulshada dhexdeeda. Arimaha nabadglayada waxay si toosa ula shaqeeyaan dawlada iyo hay’adaha amniga, waxaanay gacan ku siiyaan ciidamada nabadgalayada sidii wax looga qaban lahaa cid kasta oo isku dayda inay dhaawacdo nabada iyo wada noolaanshaha bulshada dhexdeeda.

 

Hadaba waxaan halkan ka cadaynayaa in xadhigii loo gaystay Laba Suldaan oo ka soo jeeda deegaanka Hargeysa uu ahaa mid sharciga baal marsan meel ka dhacna ku ah karaamada Madax dhaqameedka. Suurta gal maaha in marnaba loo tuhmo inay waxyeelaynayaan nabadgalyada ay masuulka ka yihiin ee ay umada hogaamiye dhaqameed ugu yihiin. Waxaan leeyahay waa talaabo aan fiicnayn in maanta salaadiinta lagu yidhaa nabadgalayo daro ayaad samayseen.

 

Sida uu ii xaqiijiyay Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, waxa jirtay dhalinyaro gadoodsan oo diidanayd sanduuqii diiwaangalinta ee yaalay Hadayta. Hadaba si aanay ugu kicin talaabo wax yeelaynaysa nabadgalayada goobta waxa uu Suldaan Xasan halkan (Hargeysa), uu ka diray salaadiin ay ka mid yihiin Suldaan Mawliid Sabayse, Suldaan Ibraahin Sulub iyo chief caaqil xoore iyo Odayaal kale, si ay uga hortagaan dhalinyarada loogana joojiyo waxa ay wadaan isla markaana laga soo qaado hadii ay jirto wax hub ah oo ay haystaan, isla markiiba waxa la gaadhsiiyay in Suldaankii Guud amar kusoo bixiyay in lasoo qabto lagana qaado waxa ay sitaan, nasiib daro wax yar marka loo jiro waxay degdeg ugu dhaqaaqeen oo ay galeen goobtii diiwaangalinta isla markaana ay qaateen qalabkii diiwaangalinta.

 

Intaas kadib ayay Salaadiintan la xidhxidhay goobta gaadheen, waxaanay gacanta ku dhigeen dhalinyaradii iyo wixii ay hub wateenba iyo qalabkii goobta. Intaasi markay dhacday waxa goobtii yimid ciidamo Boolis ah oo xidhxidhay Salaadiintii, Cuqaashii iyo Odayadii kale dhamaantoodna dambiilayaal kawada dhigay xataa salaadiintii nabada ka shaqaynaysay oo la yidhi iyagaa ka danbeeyay oo xabsiga loo taxaabay.

 

Runtii talaabadaasi waxay ahayd mid fool xun oo meel ka dhac ku ah milgaha iyo sharafta madax dhaqameedka in maanta laga dhigo qaar nabadgalyada khalkhalinaya. Arimaha dhaqan maaha in la siyaasadeeyo ama uu nin siyaasi ahi uga faaiidaysto dan gaara oo uu isagu leeyahay. Waxaan qabaa in xadhigaa salaadiintu yahay mid sharciga baal marsan oo meel ka dhac ku ah karaamada Madax dhaqameedka Somaliland. Xukuumada waxaan leeyahay waa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo daayo oo xoriyadoodii loo soo celiyo.

 

 

Alaa Mahad Leh

Guul iyo Gobonimo

 

Mohamed Gacayte

Falanqeeya Arimaha Bulshada iyo Siyaasada

Hargeisa Somaliland

Gacayte09@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here