Wasiiro Ka Tirsan Xukumadda Madaxwayne Siilaanyo Oo Kulan Hoose La Yeeshay Salaadiin Iyo Cuqaal Kasoo Jeeda Waqooyiga Magaalada Hargeysa + Muuqaal

0
846

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xubno Wasiiro ah oo kasocda Xukumada Madaxwayne siilaanyo oo ay kamid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland cali maxamed warancadde, wasiirku xigeenka arimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arimaha dibada iyo waliba maayarka caasimada hargeysa ayaa maanta Kulan  kula  yeeshay hotel Guuleed ee magaalada hargeysa cuuqasha waxgarad iyo salaadiinta kasoo jeeda waqooyiga magaalada hargeysa.

 

Shirkan oo ay saxaaafadu daba jog ka ahayd ayaaa waxa lagaga hadlayay weerarkii dhawaan ka dhacay goobta diwaangalintu ka socotay dee degaanka lughaya, taasi oo xukumada Somaliland u xidh xidhay salaadiin kasoo jeeda waqooyiga magalada hargeysa laguna eedeyey inay ka danbeeyeen weerarkaasi iyo waliba goobaha aanay ka socon diiwaangalinta codbiiyayaasha ee mudooyinkii u danbeyeyba muranku ka taagnaa.

 

Hadaba markii uu shirkaasi soo dhamaaday ayaa waxa k warbixiyay ajanadaha uu daraanaa kulankan Suldaan Guud ee beelaha subeer Awal Suldaan Xasan waxaana uu sidoo kalena suldaanku ka dhawaajiyay inay salaadiintan xidh xidhan ay usoo direen arin nabadeed isla markaan loo baahan yahay inay xukuumaddu baadhis ku samayso arinkaasi  waxaana uu yidhi.

 

 

Halkan hoose ka daawo hadalkii Suldaan Xasan

 

 

“Umadayadii waan u warami doonaa inkaste oo ay arimaha qaar ku fiican yihin in hoos loo hadlo, arimo kor loo qaadaana waa jiraan, halkan waxaan kula shiraynay dawladii oo aan maanta ku balansanayn waxaanu iskugu nimina waa arimo nabad galiyo, waa arimo dalka iyo dadkaba u dana, madaama aan nahay dhaqankii iyo xukuumaddi danta ugu wayn ee naga dhaxaysaa ay tahay adkaynta nabad galiyadda iyo xoojinta midnimada shacbiga Somaliland arinkaan ka wada hadlaynayna waa arinkii waqooyiga hargeysa iyo goobahii daldalnaa mudadda dheer ee shacbigu xaquuqdiisa ku lahaa, muddo dheer ayay shacbiga xeebta dagani ay xuquuqdoodu laalnayd iyadoo sharcigeen iyo dastuurkeenuba dhigayo sharcigii lixdankii, oo lixdii degmo ee jiraaba ay isku badaleen gobolo qadiyada ugu waynina waa taa dhulka”Sidaas ayuu yidhi Suldaan Xasan

 

Suldaan Xasan isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray.“intaa waxa noo raacda raggii salaadiinta iyo madax dhaqameedka ahaa ee maalintii dhawayd halkan xeebta laga soo xidhay ee aanu nabada u dirnay waxaanu u dirnay daganaanshaha iyo xasiloonimada umadda kasoo shaqeeyaan arin u baahan baadhis iyo daganaansho oo u baahan in si qoto dheer loo lafagurro, raga xidh xidhan waa madaxdhaqameed suldaana qorri ma qaato ee nabad ayuu ka shaqeeyaa cumaamad ayuu sita, salaadiintii iyaguna dhankaa u baxday ee inamadooda qoryaha kasoo guraysay ayaaba ku jira oo ilaa maanta xidhan, dawladduna iyadaa ka masuula masiirka umadda”

 

Sidoo kalena suldaan Xasan isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu shaaciyay inay wali u socdaan xukuumadda wada hadalno ka dhan ah arinkan ayna socon donaan ilaa inta wax laysla afgaranayo ayaa waxa uu yidhi

“Xukuumaddana wali wada hadalo way noo socdaan waanay noo socon doonaan intaana waan ka wada hadlnaynaa arinkan  intaan iska taakulayn karaynana waan iska taakulaynaynaa shirkuna labada qodob uunbuu ku saabsanaa”Sidaas ayuu suldaan Xasan Hadalkiisa Kusoo Koobay

 

Dhanka kalena wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo isagu goob jog ka ahaa kulankan iyo  cuqaasha, waxgatadka iyo salaadiinta waqooyiga hargeysa ee uu maanta  kulankani  dhex maray  ayaa ay labada dhinacba ka gaabsadeen inay ka hadlaaan qodobada lagu heshiiyay ee la isku afgartay intii uu socday kulankani iyo waliba waxyaabaha kasoo baxay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here