Maayarka Xudun Oo Ku Baaqay In Horumarka La Gaadhsiiyo Degmooyinka Barriga

0
397

Hargaysa (HP): Maayarka degmadda Xudun ee gobolka Sool Maxamed Jamac Xirsi Oogle, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay waxqabadka iyo mamul daadejinta gaadhsiiso degmooyinka barriga dalka.

Waxaanu sheegay Maxamed Jamac Oogle,  in degmooyinka dalku ay ku kala horeeyeen xagga horumarka, isla markaana degmooyinka barriga dalka aanu maamulku hore u gaadhin.

Iyadoona ay jirto in degmooyinka barriga qaarkood in markii u horaysay ay doorasho ka dhacday doorashooyinkii bishii May ee sanadkan dalka dhacday.

Sidoo kalena degmooyinka barriga Somaliland qaarkood ay markii u horaysay u noqonayso  doorashadaasi markii koowaad ee goleyaashoodda deegaanka si toos ah loo soo doortay.

Maayarka Xudun, oo warbaahinta dawladda kula hadlay magaaladda Hargaysa oo uu u joogo, isagoo ka qayb gelaya tababar loo qabtay 23-ka degmo doorasho ee dalkan jamhuuriyadda Somaliland.

Tababarkaasi ayaana magaaladda Hargaysa uga socda maayarrada 23-ka degmo doorasho ee Somaliland, kaasoo ay soo qaban qaabisay haayadda GZL.

Geesta kale  maayar Maxamed Jamac  Oogle, mar wax laga waydiiyay xaaladda guud ee degmadda Xudun, mida nabadgeliyo, iyo dhinaca mashaariicda horumarintaba. Waxaanu sheegay in xaaladda guud   degmadu ay aad u wanaagsan tahay.

 

DAAWO: Maayarka Xudun Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here