Xaalad Biyo La’aaneed Oo Ka Taagan Deegaamadda Gobolka Togdheer

0
348

Burco (HP): Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), ayaa qaylo-dhaan ka muujiyay xaalad biyo la’aaneed oo darran oo soo waajahday guud ahaanba deegaamadda gobolka Togdheer.

Waxanu sheegay badhasaabku in ay ka maamul ahaan ka hawl gelayaan sidii warbixin qiimayn  ah loogu soo samayn lahaa deegaamadda uu gobolka Togdheer ka kooban yahay, isla markaana ay warbixintaasi shaacin doonaan badhtamaha todobaadka danbe.

Maxamed C/laahi Ibraahim (Nafaqo), waxa uu sidaasi ka sheegay  kulankii todobaadlaha ahaa ee maanta oo uu la yeeshay isku-duweyaasha wasaarradaha dawladda iyo haayadaha dawladda ee gobolka Togdheer.

Waxaanu yidhi, “Maanta shirkeenu wuxuu daarranaa, Isniintii hore waxaynu isku qaybinay afar kooxood ama guddi,  oo ka kooban isku-duweyaasha wasaarradaha ee gobolka iyo guddoomiyeyaasha kala duwan ee haayadaha gobolka, si ay koox waliba warbixin u soo gudbiyaan”.

Badhasaabka Togdheer, ayaa sidoo kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay qodobadii shirka maanta lagaga hadlay iyo natiijadda ka soo baxday.

“Maanta warbixinta ugu muhiimsani waxay ahayd, in gobolka Togdheer ay soo waajahday biyo la’aan.

Sidaa darteed in la soo indho-indheeyo deegaamadda uu gobolku ka kooban yahay. Warbixinta na la iskula yimaado Isniinta todobaadka danbe”ayuu yidhi Maxamed Ibraahim Nafaqo.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY