Hargaysa: Mashruuca Horumarinta Aagga Tamarta Afrika Oo La Daah-furray

0
387

Hargaysa (Hargeisa Press): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ee caasimadda Somaliland laga daah-furay mashruuca horumarinta iyo tayaynta aagga tamarta oo ah mashruuc ka socda wadamo badan Afrikaan ah.

Mashruucaasi oo loo yaqaanno Power Africa, ayaa ah mashruuc weyn oo ka socda 11 waddan oo ka mida kuwa qaarrada Afrika ka tirsan.

Iyadoona kan maanta Somaliland laga daah-furayna uu qayb ka yahay mashruuca horumarinta iyo tayayna aagga tamarta ee wadamadda barriga Afrika, oo isna loo yaqaanno east Africa energy programme.

Waxaana mashruucaasi si rasmiya u daah-furray wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland C/laahi Faarax Cabdi, oo uu wehelinayay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Sidoo kale waxaa daah-furka mashruucaasi lagu tayaynayo aagga tamarta ka soo qayb gallay guddoomiyaha haayadda tamarta Somaliland, shikrkadaha addeegyadda Korontadda bixiya ee Somaliland ka jirra, iyo masuuliyiin kale.

Mashruucani lagu horumarinayo aagga tamarta Somaliland waxaa maalgelinaysa haayadda dawladda Maraykanka u qaabilsan caawimooyinka dibadda ee magaceedda loo soo gaabiyo USAID, waxaana fulinaysa haayadda ATI.

Mashruucani ayaa loo arkaa mid faa’iido oo dhinaca addeegga tamarta ah inuu u keeni doono dalkan Somaliland, kaasoo ah mashruuc kor loogu qaadayo, isla markaana lagu tayaynayo aqoonta addeegsiga tamarta.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland C/laahi Faarax Cabdi, oo hadal ka jeedinayay daah-furka mashruucaasi.

Geesta kale intii lagu guddo jiray daah-furka mashruucaasi waxaa halkaasi la isku waydaarsaday aragtiyo, iyo dooddo la xidhiidha sida loo horumarinayo ka faa’iidaysiga aagga tamarta Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here