Maayarka Laascaanood Oo Kulan Balaadhan U Qabtey Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Tuulooyinka Iyo Imtixaanka Barri Laga Qaadayo 178 Qof oo Reer Laascaanood ah

0
717

Laascaanood,(HargeisaPress)-Ugu yaraan 175 kamid ah Dhalinayarada ku nool Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo Degmooyinka Gobolka Soo ayaa Maalinta Bari ee Sabtida ah Imtixaan u gali doona Tirada laga Doonayo Dab-damiska Goboka Sool iyo Laascaanood, oo qeybtii u horeysay oo qaadanayo.

Maayaraka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo Warbaahinta uga waramey Imtixaanka ay u qaadayaan Hawl-wadeenada Dab-damiska ayaa xusey in Wajiga hore ee Bilawga ah ay u qaadan doonaan 25 qof oo ka kooban kuwa bilaabi doona Shaqada Dab-damiska oo Qeyb ka ah Waxqabadka Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Laascaanood ku guuleystey, mudadii uu Xilka Maamulka Hayay Waxaanu Maayarku xusey, in Maalinta Sabtidda ah ee Barri ay Imtixaanka u fadhiisan doonaan ugu yaraan 175 qof oo ka kooban Bulshada Gobolka iyo dhalinyarada Degmada Laascaanood,kuwaas oo ay kaa saari doonto aqoonta Imtixaanka laga qaado iyo sida ay ugu kala guueystaan.

Geesta kale, Maayarka Degmada Laascaanood islamarkaana ah Xoghayaha ururka D/hoose ee Somaliland (AL-GASAL) Cabdicasiis Taarwale oo kulan balaadhan u qabtey guud ahaanba Maamulka Degmooyinka, Magaalooyinka iyo Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Laascaanood iyo Gobolka, ayaa ujeedada kulankan isxogwareysiga ah ku tilmaamay mid ay kaga duwanaan doonaan Maamulka Degmooyinka kale e dalka ismarakaana, ay ku doonayaan in Degmada Laascaanood, kaga qeybgaliso Wixii Mashaariic iyo Hurumarin ah ee ka Maamul ahaan soo gaadha sidii ay ugu gudbin lahaayeen dhamaanba Gobolka, si Degmo kasta iyo Tuulo kasta looga haqab tirro halka ugu ba,an ee Adeegyada aasaasiga u ah Bulshada.

Waxa kale, oo Maayar Cabdicasiis Taarwale kulankan ku tilmaamay mid Taariikh u ah Maamulkooda islamarkaana, ay noqon doonto Markii ugu horeysay ee Nooceeda ah oo Maamulka Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolku soo gudbiyaan Xaalada Deegaanadooda iyo kulan ay la qaataan Maamulka Golaha Deegaanka, isagoo uga mahad celiyay Wasaaradda Arimaha Gudaha doorka ay ku leedahay Kulankan is Xogwareysiga iyo Gudbinta Baahiyaadka Tuulooyinka iyo Magaalooyinka Gobolka Sool.

«Farxadd weyn ayay noo tahey in aanu Degmada Laascaanood kulan Noocan oo kale ah ugu qabanno Tuulooyinkii, hoos imanayay Degmada Laascaanood iyo Degmooyinkii Gobolka qaarkood, Waxaanu ku wadaagney kulankaas muhiimka ah Dhamaanba baahiyaadka iyo Xogaha ku sahabsan ee adeega Bulsho, ee kajira Deegaanadda guud ahaan, Waxaana kulankaa kasoo baxey dhiirigalin iyo Waa Cusub oo u baryey Gobolka, Waana mid lagau tixraacayo ka istiraatijiyad ahaan yoolkii Wax loogu qaban lahaa Dadweynaha Reer Sool, hadii ay Xukuumad Dhexe tahey haddii uu Mashruuca Gplg ga yahey iyo Gabi ahaanba Mashaariicda kale ee dhinaca Hurumarinta Shanta Sanno ee Soo Socda hadii Eebe ogolaaddo Insha-Allah»Ayuu Yidhi Maayarku.

Waxaanu hadalkiisa kusoo gunaandey in Masuul Waliba ka faa,ideysto Fursadan si loo helo xogta meelaha ugu muhiimsan ee Waxqabadka lagu bartilmaameedsanayo.

Maamulka Degmada Laascaanood ayaa, mudooyinkii u dambeeyay u muuqdey mid dedaalkiisa dhaqdhaqaaqyada dhinaca Arimaha Bulshada kor uga sii qaadaya waajibaadkoodii hore,ee ay awal kalida ku ahaayeen kadib markii ay indhawaale nasiib u heleen Mashruucii GPLG oo aaney awal hore laqabin Magaalooyinka iyo Degmooyinka Waaweyn ee dalka.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here