Somaliland iyo Itoobiya oo Iska Kaashanaya Dhismaha Wado Isku Xidhi Doonta Labada Dal

0
2158

Salaxley (Hargeisa Press)- Dowladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa ay iska kaashanayaan dhismaha wado isku xidho doonta deegaanada Ina Guuxaa iyo Awaare.

Shir ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka socday degmooyinka Salaxley ee Somaliland,  gobolka Jarar, Daroor iyo Awaare ee dhinaca Ethiopia oo ay weheliyaan xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo ganacsato ka soo kala jeeda labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa ka dhacay degaanka ina Guuxaa ee uu maro xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Masuuliyiinta labada dhinac oo ay dhex marto degaanadooda Wadada Cad ee Somaliland iyo Dawlad deegaanka Itoobiya isku xidhi doontaa ayaa ka tashanayey sidii Wadada looga sii amba qaadi lahaa Ina guuxaa ,loona gaadhsiin lahaa Awaare.

Shirkan oo ay sidoo  kale kasoo qayb galeen xubno kamid ah wasiiraddo ka socday dawlad degaanka Somalida Ethiopia, ururada Bulshada, Ururadda Samafalka iyo shacabka labada dhinaca ayaa si weyn usoo dhoweeyey wadadan isku xidhi doonta degaamadan hoos yimaada dawlad degaanka Somalida Ethiopia iyo degaamadda Xuduudka ee Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto Ethiopia.

Waxaana ugu horeyn goobtaas ka hadlay madaxda dawlad degaanka Somalida Ethiopia ka socotay, Siyaasiyiin, Wasiiradii iyo Xildhibaanadii munaasibadan kasoo qayb galay, iyaga oo sheegay in wadadani tahay mid ahmiyad weyn u leh isku xidhka degaamaddan dawlad degaanka Somalida Ethiopia iyo Somaliland, gaar ahaana labada degmo ee Ina Guuxaa iyo Awaare waxanay balan qaadeen inay dhinacooda si deg deg u dhisi doonaan si deegaanka Ina Guuxaa u noqdo xarun ganacsi ama deked qalalan oo quudisa guud ahaan Itoobiya.

Maamulka degmada Sallaxley, gudida dhismaha Wadada Cad, Madax dhaqameed iyo Ganacdatada labada deegaan oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa balan qaaday inay magaalayn doonaan deegaanka Ina guuxaa waxanay uga mahad celiyeen dawladda deegaanka Somalida Ethiopia dhismaha Wadada Cad oo ay qaybtooda ka qaadan doonaan ,gaar  ahaana degaanka Ina Guuxaa ilaa Awaare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here