Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Sheegay Inaan Somaliland Si Muuqata Looga Dareemin Qiimaha Shidaalka Dunida Ee Hoos U Dhacay

0
923

sheekh saleebaaHargeysa, (HargeisaPress) — Maareeyaha Haamaha Shidaalka  Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa Sheegay inaan si muuqata looga dareemin Somaliland hoos u dhaca ku yimid Qiimaha Shidaalka ee Dunida “Kolay waa laga dareemay Somaliland Hoos u dhaca Qiimaha Shidaalka laakiin, Dareenka laga dareemay ayaan aad u muuqan wali, iyadoo Soomaalidu sideedaba ka siman tahay inay Shayga dallacdo balse aanay ku dhiiran wax ka dhimistiisa” ayuu yidhi Mareeyaha Oo VOA arrintan wax ka waydiisay.

Maareeyaha ayaa intaasi raaciyay “Caalamka Qiimaha Shidaalku aad buu iskaga dhimay,horena waanu ugala hadalay Kaalmaha Shidaalka,waanay dhimeen oo saamayn way ku samaysay isbedelkaas Suuqu” hase ahaatee waxa uu Maareeyuhu difaacay sababta aanay Qiimaha shidaalka u dhiman Ganacsatada Shidaalku “Kolay dadku waxay maqlayaan halka Qiimaha Shidaalku dunida ka marayo oo laga yaabo inuu boqolkiiba sagaashan marayo oo warbaahinta ayay ka arkayaan laakiin,waxaanay ku xisaabtamayn shaygu Suuqa Caalamka intuu ka marayo Somaliland kama mari karo waayo waxaa jiraya Noolkii lagu soo qaaday,waxaa jiraya Cashuurtii ku waajibta iyo Sharashaadkii Shidaalka ku baxayay ee kale”

Maareeyuhu wuxuu sheegay in Intii Shidaalku dunida hoos uga dhacay 5-ta Shirkadood ee  Somaliland Shidaalka keenaa hoos u dhigeen Qiimaha Shidaalka,balse waxaa muuqata inaan Kaalmaha Shidaalka ka Iibiya Bulshadu wax qiimo dhimis ah samayn.

Maareeyaha ayaa Bilihii la soo dhoofay oo dunida laga dareemay hoos u dhaca Qiimaha Shidaalka waxa uu Kaalmaha ugu baaqay inay Bulshada ka dejiyaan Qiimaha maadaama Suuqa hoos u dhac ku yimid markii horena ay Qiimaha Kor u qaadeen.waxa uu wakhtigaasi sheegay in Bulshadu dareento marka Kor u kac ku yimaado Shidaalka sidaas darteedna ay tahay inay dareemaan marka hoos u dhac ku yimaado.

Waxaa muuqata inaan Maareeyaha Haamaha Shidaalka aanay waxba ka dhegaysan Ganacsatada jaangoysa Qiimaha Shidaalka, oo wakhtiigii uu Shidaalku qaaliga ahaa si weyn loo dareemay balse haatan aan la dareemin hoos u dhiciisa.

Maareeyaha ayaa sidoo kale kor u qaaday dhawaan Qiimaha lagu Cashuuro Shidaalka Ganacsatadu ku kaydsanayso Haamaha Shidaalka Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here