Maandeeq Medical Center oo Laga Furay Magaalada Istanbul (Sawirro)

0
2483

Istanbul (HargeisaPress) – Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga laga furay Hospital weyn oo caafimaad oo lagu magacaabo Maandeeq Medical Center.

Cisbitaalkan Maandeeq Medical Center, ayaa waxaa loo qalabeeyay si casri ah, iyada oo bixin doonta adeegyo kala duwan oo dhanka caafimaadka ah.

Munaasibada xadhiga lagaga jaray xarunta Caafimaad ee Maandeeq Medical Center, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya qaarkood, Safiirka Soomaaliya ee Turkiga iyo Marti sharaf kale.

Cisbitaalkan oo ay hirgaliyeen Ganacsato Soomaali ah, ayaa masuuliyiintani ku bogaadiyeen dadaalka ay sameeyeen iyo sida ay u dabooleen baahi ay dadka Soomaalidu u qabeen xarun caafimaad, iyagoo ku booriyay in ay dalkii hooyana ku dadaalaan sidii ay u gaadhsiin lahaayeen xarumaha caafimaadka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here