Maamulaha Guud Ee Shirkadda Daabacaada Casriga ah SAGALJET Oo Booqasho Kormeer ah ku Tagay Xarunta Sagaljet Ee Tog-Wajaale ee Gobolka Gbailey + SAWIRRO

0
1385

Tog-Wajaale,(HargeisaPress) —Maamulka guud ee Shirkada daabacaada casriga ah Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar ayaa booqasho ku wajahan kormeerka Xarunta Sagaljet ee Tog-Wajaale iyo guud ahaanba suuqa Ganacsi ee Wajaale ku gaadhey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.

Maamulka Guud ee Shirkada daabacaada casriga ah ee Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar oo kormeerkiisa uu ku gaadhey Xarunta Shirkada Sagaljet ku leedahay Magaalada Tog-Wajaale ujeedadiisu aheyd balaadhintii iyo dib u habeyntii dhawaan lagu sameeyay halkaasi si ay ugu adeegaan Bulshada daabacaad casri ah iyo farsamo tayo leh ay si diiran ugu soo dhaweeyeen guud ahaanba Maamulka iyo Shaqaalaha Shirkada Sagaljet ee Tog-Wajaale iyo guud ahaanba Gobolka Gabiley,waxaanu ujeedada kormeerkiisu la xidhiidhay sidii loo dardar galin lahaa shaqada Xarunta Tog-Wajaale iyo sidii kor loogu qaadi lahaa hawsheeda shaqo oo wakhti xaadirkan aad u fiican meel wanaagsana mareysa taas, oo uu yoolkiisa ku bartilmaameeyay in dhiirigalin loo sameeyo shaqaalaha Sagaljet maamulkuna kormeer booqasho ah u sameeyo mar walba Tog-Wajaale iyo guud ahaanba Xarumaha kale ee Gobolada dalka ay ku leedahay Shirkada daabacaada casriga ah ee Sagaljet isagoo balnqaadey in uu Xafiiska cusub ee Shirkada Sagaljet ku yeelan doonto To-Wajaale ka dhisi doono halka u dhexeysa labada dawladood Somaliland iyo Itoobiya.

Maamulaha Shirkada daabacaada casriga ah Sagaljet ee Gobolka Gabiley iyo Tog-Wajaale Cabdi Yuusuf Daahir ayaa sheegay in ay farxad gaar ah u leedahay booqashada kormeerka ah ee uu kusoo gaadhay Xarunta Sagaljet ee Tog-Wajaale Maamulaha Guud Cabdi Yuusuf Aar taas oo dhiirigalin u noqoneysa Maamulka iyo shaqaalaha Shirkada Saaljet ee Tog-Wajaale waxaanu sheeay in ay siweyn uggaga mahad celinayaan una soo dhaweynayaan booqashadiisa.

Ugu dambeyntiina waxey Gudoonsiiyeen shahaado sharaf ay ku maamuuseen Maamulaha Guud ee Shirkada Daabacaada casriga ah Cabdi Yuusuf Aar taas,oo ay ugu talo galeen ka xafiis Tog-Wajaale ahaan oo Shirkadan u qaabilsan Guud ahaanba Gobolka Gabiley oo dhan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here