Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dabkii Burburiyay Suuqa Jigjiga

0
1262

Jigjiga (Hargeisa Press)- Waxaa lagu guuleystay in saaka la soo afjaro dab xalay ka kacay suuq weyn oo ku yaal magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kaas oo geystay khasaara badan oo aan weli la tiri koobin.

Dabkan oo aan weli la ogaan waxaa sababay balse wararka qaar, ayaa sheegaya in meherado ku dhexyaalay suuqan dab ka kacay uu sababay gubashada suuqan wayn ee Taywaanka ee magaalada Jigjiga.

Dabkan oo billowday 11-kii fiidnimo ee xalay, ayaa waxaa la sheegay in suuqani uu gabi ahaanba basbeelay oo ayna jirin meherad suuqan ku taalay oo ka badbaaday.

Ilaa hada lama sheegin dad wax ku noqday dabkaasi balse waxaa jira khasaare hantiyeed oo dabkan uu gaystay, iyadoona Dabkan in la damin waayo ay sababtay dabaylo xoogan oo dhacayay xalay.

Waxaa goobta saaka booqday Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, isagoo bulshada la wadaagay dareenkiisa waxa uuna sheegay in ay tahay masiibo Rabbaani ah.

Waxa uu sheegay inay bulshada la wadaagayaan masiibada dhacday iyadoo uu madaxweynaha xusay in xaalada la socon doonaa oo la samayn doono guddiyo si loo ogaado khasaaraha, qaybna ay ka noqon doonaan dadaalada dadka lagu taageerayo iyo dib u dhiska.

Sidoo kale, waxaa xalay suuqa u soo gurmaday Ciidamada Dabdemiska Somaliland oo ka jawaabaya gurmadkii ciidamada Dabdemiska Jigjiga sanadkii hore ugu soo gurmadeen dabkii ka kacay suuqa Waaheen, ayaa kaalin laxaad leh ka qaatay daminta dabkaas, taasi oo ciidanku ku daminayeen gaadiid casri ah.

Waxaana halkaasi gaadhay wefti uu hoggaaminayo Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, Gaadiid Dabdemis iyo Ciidan gurmad degdeg ah u fidiyay dabkii weynaa ee ka kacay suuqa Bacadlaha Jigjiga.

Si kastaba ilaa hada lama oga waxa sababay dabkan xalay ka kacay suuqa Taiwaanka magaalada jigjiga iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan.
Dowlada ayaa sheegtay in la sameynayo baadhitaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here