Liiska Kooxaha ugu Macaashka Badan Xilli-ciyaareedkii Hore oo la Shaaciyay iyo

0
1250

HargeisaPress —Man United, ayaa hoggaaminaysa liiska kooxaha macaashka ugu badan helay xilli-ciyaareedkii hore, inkastoo aanay wax koob ah ku guulaysan, halka Real Madrid iyo Manchester City kaalmaha ku xiga ku jiraan.

Manchester United waxay xilli-ciyaareedkii hore macaashtay 190 milyan Dollar, halka Real Madrid ka macaashtay lacag dhan 162 milyan, isla markaana Man City oo saddexaad ku jirtaa ka macaashtay 131 milyan.

Kooxda 4-aad ee ugu macaashka badan waxa noqotay Arsenal oo heshay 122 milyan, waxana ku kala xiga Liverpool ($115m), Barcelona ($108m), Juventus ($81m), Tottenham ( $73m), Schalke ($67m) iyo Bayern Munich ($60m).

…………………………………………………………………….

Kooxaha Ingiriiska ee Casaanka ugu Badan la Bixiyay Ciyaaraha Dhex-maray oo la Shaaciyay

casaanka]

Ciyaaraha dhex-maray kooxaha Liverpool iyo Everton, ayaa noqday kuwa kaadhadh ugu badan ee Casaanka ah la bixiyay kulamadii ay wada-yeesheen, taasoo ka dhigtay ciyaaraha ugu xamaasadda badan.

 

Dhamaan kulamadii labadan kooxood ciyaareen waxay ciyaartoygu qaateen 21 kaadh oo Casaan ah, halka kulamada Man United iyo Liverpool yeesheen iyana guud ahaan ciyaartoyga labada dhinac la siiyay 16 Casaan.

 

Kooxaha ciyaarahooda Casaanada ugu badan la bixiyay waxa iyana ku jira ciyaaraha dhex-maray Everton iyo Newcastle (15 Casaan), Chelsea iyo Everton (13 Casaan) iyo Aston Villa iyo Newcastle (13 Casaan).

 

 

Shiine Cilmi Kaahin HargeisaPress Sports — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here