Buuq Iyo Sawaxan Ka Dhashay Kalfadhi Ay Maanta Iskugu Yimaadeen Xildhibanada Golaha Deegaanka Burco Iyo Laba Mudane Oo Uu Dhex Maray Dagaal Gacan Ka Hadal Ah + SAWIRRO

0
1149

Burco , (HargeisaPress) —Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco oo maanta iskugu yimi Kal-Fadhi aan caadi ahayn, oo aanay badiba goob joog ka ahayn xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ayaa waxa kalfadhigani lagaga hadlayay goob dhuleed ay maamulka Dawlada Hoose burco damacsan yihiin inay iibinayaan oo ku taala badhtama suuqa wayn ee magaladda  gar ahaan agaagarka hotel Deero ee magalada  Burco .

 

Waxaana kalfadhigan markii xogaa socda markiiba ka dhashay Muran, buuq iyo sawaxan kaasi oo sababay in xildhibaanadu ay u qayb samaan laba dhinac . Kulan Aan Caadi Ahayn Oo Saaka Ay Isugu Yimaadeen Golaha Deegaanka Burco Iyo Waxa Lagag Hadlay.

 

Kal Fadhi Aan Caadi Ahayn Oo Ay Saaka Isugu Yimaadeen Golaha Deegaanka Burco Ayaa Waxay Kaga Doodeen Arrimo Dhuleed Oo Khilaaf Badan Ka Dhex Aloosay Golaha Deegaanka Burco.

BUR 3

Walow Aany Jirin Qodobo Cad Oo Kulankaasi Ka Soo Baxay Oo Ay Warbaahintu Dibada Joog Ka Ahayd Ayaa Markii Kulanku Soo Dhamaaday Waxa Saxaafadu Wax Ka Weydiisay Xildhibaanada Kulankaasi Ka Qayb Galay Iyo Duqa Magaalada Burco Balse Ma Ay Suura Gelin Inay La Hadlaan Saxaafada.

 

Warar Aanu Ka Helay Ilo Ka Dhaw Xildhibaanda Golaha Deegaanka Ayaa Noo Xaqiijiyey In Xanaaq Gacan Ka Hadal Ahi Uu Dhexmaray Laba Xildhibaan Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka.

 

Kulankan Saaka Ayaa U Eekaa Mid Isu Soo Dhaweynaya Golaha Oo Mudoyinkii Danbe Ku Kala Fogaaday Arrimaha Khilaafka Dhul Ay Dawlada Hoose Iibisay.

 

Bulshada magaalada burco ayaan iyagu wali garanayn sababta kalfadhigani uu iskugu badalay buuq iyo sawaxan iyaga oo xildhibaanaduna ku kala dareeray kalfadhigaasi.

 

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress — Burco

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here