Aguero oo Noqday Laacibka ugu Degdega Badan ee 100 Gool Premier League ka Dhaliyay iyo Barcelona oo Gaadhay Rikoodh…

0
1764

HargeisaPress —Sergio Aguero, ayaa noqday laacib sida ugu degdega badan horyaalka Ingiriiska kaga dhaliyay 100 gool, kadib markii uu goolkiisii boqolaad horyaalka ka dhaliyay isagoo saftay 147 kulan oo uu 18 ka mid ah bedel ku galay.

27 jirkan waxa uu dhaafay rikoodhkii Henry oo markii uu 100 gool Premier League ka dhaliyay uu 15 daqiiqo oo kasta gool dhaliyay (15 minutes per goal), balse muddo dheer kumuu guulaysan abaal-marinta PFA.

Laacibkan Argentina u dhashay waxa uu inta badan shantii sanno ee uu horyaalka Ingiriiska joogay la kulmay dhaawacyo sababay inuu ciyaaro badan seego, taasoo qayb ka ah in aannu muddo ku guulaysan PFA.

…………………………………………………………………….

  Barcelona oo Gaadhay Rikoodh ay La Liga Spain ka Dhigtay 55 Sanno Waqti Laga Joogo

FCBvsBILBAO_27-Optimized.v1454449491

 

Barcelona ayaa mar labaad gaadhay rikoodh ay horyaalka Spain ka dhigtay xilli-ciyaareedkii 1959/1960-kii, kadib markay Arbacadii ina dhaaftay guushii ugu waynayd ka gaadhay Deportivo oo ay marti u ahayd.

Barcelona waxay siddeed gool kaga badisay Deportivo, taasoo ka dhigtay inay guushii ugu waynayd meel garoonkeeda ka baxsan ku gaadho, iyadoo markii u dambaysay ee ay 8 gool ku badisaa ahayd 1959/1960-kii.

Kooxdan oo hadda goolal ku hoggaamina horyaalka La Liga Spain waxay markii u horraysay la barbaraysay rikoodhkan, isla markaana ma jirto koox kale oo iyadoo marti ah ku badisay siddeed gool.

Shiine Cilmi Kaahin HargeisaPress Sports — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here