“Labadda dal waxaa ka dhaxaysa walaaltinimo iyo deris wanaag, laakiin waxaa jira dad”… safiirka Jabuuti u Fadhiya Somaliland

0
763

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Qunsulka dalka Jabuuti  Xuseen Cumar Kawaaleeye ayaa shaaca ka qaaday inay xirsi-xijaab ka samaysan doonaan Gud Faysal Cali waraabe.

Danjire Kawaaleeye oo  warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa iyo dadkiisa Jabuuti yihiin kuwo si weyn u xaqdhawraan dalalka deriskooda ah, isla markaana aanay jeclayn in ay dal kale eedeeyaan.

Kawaaleeye ayaa shaaca ka qaaday in horumarka dalkiisu gaadhay hormood u yihiin Madaxweynaha Jabuuti iyo Marwadiisa Khadra Xayd.

Waxaanu  yidhi “Annagu hadaan nahay dalka Jabuuti, waddan derisnimmada dhowra ayaan nahay, waddan ummadaha jaarka iyo aduunweynaha-ba tixgeliya ayaan nahay.

Horumarka dalkayagu gaadhay waxa hormood u ah Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd iyo xukuumadiisa, waxaanay u dedaalayaan waa horumarka waddankooda.”

“jamhuuriyadda Jabuuti, hadii ay Dekedo badan leedahay, 9 dekedood ayaa jabuuti ka socda, in dhamaatay, inna dhamaad ayey ku dhowdahay, inna waa la wadaa, waxaana hormood u ah Madaxweynaha iyo Marwadiisa oo ku hogaamiya waddanka maamul-wadaag, iyo wada-noolaasho iyo ixtiraax aduun-weynaha iyo waddamada jaarka ah”ayuu yidhi wakiilka Jabuuti u fadhiya Hargaysa.

Qunsulka dalka Jabuuti u fadhiya dalka Somaliland Md Xuseen Cumar Kawaaleeye ayaa faahfaahin ka bixinayey iskaashiga dalkiisu la wadaago Somaliland, jawaabida hadalo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal hore u sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay  yihiin laba dal oo walaalo ah.

Balse ay jiraan shaqsiyaad mar walba warbaahinta ka dhaleeceeya dawladda Jabuuti.  Kawaaliye oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu  yidhi “Halkan Somaliland waa dal aanu walaalo nahay, balse waxa jira dad marwalba telefishanada afka ku haya jamhuuriyadda Jabuuti, oo kala dilka dadka ka shaqeeya, oo ah Faysal, waxaan leenahay ummadayada shaqsi ma kala dili karo.

Waxaanu leenahay deris-wanaaga halaga shaqeeyo,horumarka halaga shaqeeyo, danteenu danta caamka ayey ku jirtaa, ixtiraamka dawladaha jaarka waa in la dhowro”.

Xuseen Cumar Kawaaleeye, Qunsulka dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal inuu ka waantoobo hadal-haynta madaxda dalka jabuuti. Waxaanu  yidhi  “Waxaan leeyahay, Hadii Faysal  ku waashay, Madaxweynaha Jabuuti & Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd iyo dalka Jabuuti Xirsi-Xijaab ayaan uga qoraynaa.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here