Laascaanood: Ururka Kaalmee Kuwan Oo Raashin U Qaybiyay Danyar iyo Agoomo

0
631

Laascaanood (Hargeisa Press): Ururka Kaalmee Kuwan ayaa maanta magaaladda Laascaanood  raashin ugu qaybinay 200, oo qoys oo isugu jiray Agoomo iyo danyar kale.

Qoysaskan danyarta ah iyo dadkan Agoonta ahaa waxaa soo xulay sida ay u kala mudan yihiin culimadda magaaladda Laascaanood.

Raashinkaasi la qaybiyay ayaa isugu jiray qaybo kala duwan oo kala ahaa Sonkor, Daqiiq, Bariis, Saliid iyo Timir, sida uu sheegay Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ka socday mashruuca Kaalmee Kuwan.

Waxaana caawimadaasi soo bixiyay dad muxsiniin ah oo sadaqaysanaya, oo doonaya in xiligan Ramadaanta lagu jiro ay dadka walaalahood ah ee baahan caawiyaan.

Kuwaasoo codsiyo ay u direen ururka Kaalmee Kuwan ka soo jawaabay, isla markaana soo bixiyay caawimadan raashinka ah.

Geesta kale, ururka Kaalmee Kuwan, ayaa hore magaaladda Burco  uga soo fuliyay raashin qaybintan oo kale, iyadoo ay u sii gudbayaan dhinaca magaaladda Garoowe, halkaasoo ay sidan oo kale raashin ugu soo qaybin doonaan dadka masaakiinta ah.

DAAWO: Warkaasi:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here