Laascaanood: 44 Xubood Oo Lagu Tababarayo Nidaamka Maamulka Xogaha Maaliyadda

0
526

Laascaanood (Hargeisa Press): Wasaaradda maaliyadda Somaliland ayaa maanta tababar ku saabsan nidaamka maaraynta xogaha maaliyadeed ee dalka uga furtay magaaladda Laascaanood isu-duweyaasha iyo masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka Sool.
Tababarkaasi oo socon doona muddo afar maalmood waxaa maalgeliyay Baanka Adduunka.

 

Waxaana si rasmiya u furay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.
Iyadoo tababarkaasi ay ka qayb gelayaan 44 qof oo ka kala socda 22 wasaarradood iyo haayadood oo dawli ah.


C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Sool oo hadal ka jeediyay futitaankii tababarkaasi ayaa ka qayb galeyaasha kula dat-daarmay in ay ka faa’iidaystaan cashattada la siinayo.
Waxaanu sheegay in xubnahaasi looga baahan yahay in shaqooyinkoodda ku dabaqaan duruusta la siiyo.


Waxaanu yidhi, “Waxaan idinkula talinayaa tababarkaasi in aad si fiican u qaadataan, oo aad fahamtaan. Si aydaan hadhaw cid kale oo ugu baahan, shaqadiinana aad ku dabaqdaan.
Waxa kaloo aan idinkula dar-daarmayaa, in aad wakhtiga dhawrtaan, oo aad si fiican uga qayb qaadataan, inta tababarku socdo”.

Tababarkan waxaa ka qayb gelaya 44 qof oo ka kala socda wasaarradaha, haayadaha dawliga ah iyo xubno ka socda kastamadda iyo cashuuraha berriga.
Sida uu sheegay Saleebaan Cismaan Xaaji Daahir, oo ka tirsan waaxda maamulka xogaha maaliyadda ee wasaaradda maaliyadda Somaliland.


“Waxaa halkan tababarka ku qaadanaya 44 qof, oo ka socda wasaarradaha iyo haayadaha kala duwan ee dawladda.
Tababarkan waxaa qaadan doona, laba qof oo ka socda wasaaradiiba. Kuwaasoo kala ah, Isu-duwaha iyo xisaabiyaha wasaaradda.
22 wasaarradood ayaana ka faa’iidaysan doona tababarkani. Iyadoo 22-kaa wasaarradood mid walba ay laba qof ka socdaan” ayuu yidhi Saleebaan Xaaji.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waxa kaloo jira waaxyaha dakhliga, Kastamadda iyo cashuurraha berriga, lix qof oo ka mida ayaa inala qaadan doona tababarka.
Sidoo kale, waxaa tababarka inala qaadan doona xafiiska xisaabiyaha gobolka Sool, oo laba qof ay inagala joogaan”.

Geesta kale Saleebaan Cismaan Xaaji Daahir, waxa kaloo uu sheegay in tababarkaasi uu socon doono muddo afar maalmood ah, isla markaana laba maalmood oo kale xarumahoodda shaqo lagi dhex tababari doono.


Waxaanu yidhi, “Tababarkani wuxuu socon doonaa muddo afar cisho ah.
Labadda maalmood ee danbe na waxaa loogu tegi doonaa wasaarradahooda iyo goobahoodda shaqo.
Halkaas ayaana lagu siin doonaa shaqadoo ay wadaan.
Dulucda casharrada lagu qaadanayo tababarkaasi ayaa ah nidaamka lagu xakameeyo ama lagula socdo dhamaanba hab maamulka maaliyadda dalka”.
Sida uu mar kale sharaxayo Saleebaan Xaaji, “Nidaamkan waxaa la yidhaahdaa Somaliland management,
information system.
Waa nidaam loogu tallo galay, in lagu maareeyo, lagu xakameeyo, dhamaanba maaliyadii dalku lahaa” ayuu yidhi sarkaalka ka socday wasaarrada maaliyadda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here