Dadweynaha Hargeysa oo si diiran u soo dhaweeyay Nidaamka GISka Dawladda Hoose Hirgelisay + SAWIRRO

0
1473

Hargeysa,(HargeisaPress) —Shacabka Magaalada Hargeysa, ayaa soo dhaweeyay nidaamka GIS ka oo lagula socon doono mulkiyadaha dhulka iyo guryaha oo qaab Computerised ah, kana fudud nidaamkii hore loogu shaqayn jiray oo wakhti badan kaga lumi jiray.


Qaar ka mid ah dadweynaha Caasimada Hargeysa ayaa Ka warbixiyay Faa’idooyinka ay Kala Kulmeen Nidaamkan, Iyagoo Sidoo Kalena Beeniyay warar been abuur ah oo Xisbiga Mucaaridka Wadani Ku Sheegay In cid gaar ah Lagu naas nuujinayo. Waxaanay ka mahad sheegteen nidaamka cusub oo ay ku sifeeyeen mid wax ku ool ah.

Hasayeeshee Shacabkani Ayaa Sheegay Adeegani Yahay Mid Ay Ka Mahad Sheeganayaan Kuna Diirsadeen Mudaddi Ay Isticmaalayeen.
“ Waxaan Ka Mid Ahay Mukhalasiinta Ugu Da’da Weyn Ee Dowlada Hoose Kasoo Shaqaynayay Muddo Ilaa Dhowr Iyo Labaatan Sano Ah, Muddadaas Aan Mukhalaska Ka Ahaa 6 Maayar Ayaa Isku Bedelay Dowlada Hoose Fayasha Markaan Soo Baadhno Marba Heer Bay Taagnaayeen Maanta Maalin Ay Ka Wacan Yihiin Ma Jirto Xaga Fudaydka, Waxaana Meesha Ka Baxay Wakhtigii Aanu Faylasha Daydayi Jirnay. Imikana Telefan Ayaa Laygu Soo Sheegaa Markasta Halka Uu Marayo File-Kaygu.” Sidaa waxa yidhi Good Xuseen Cabdi Oo Ka Mida Odayaasha Magaalada Hargeysa Oo Dareenkiisa Ka Hadlayay.

Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Oday Good Waxa Uu Sheegay In Aanay Jirin Meel Dowlada Hoose Shacabka Kaga Qaado Lacag $360 Ah, Hasayeeshee Lacagta Ugu Badan Ee Beeraha Lagu Cashuuraa Tahay $260 Oo Kaliya.

C/Raxmaan Jaamac Oo Isaguna Ka Mida Qurbajooga Somaliland Oo Xarunta Dowlada Hoose Ee Hargeysa Ka Qaadanayay Warqada Mulkiyada Dhulkiisa Ayaa Sheegay In Nidaamkani La Mid Yahay Kuwa Ka Jira Wadamada Caalamka. Waxaanu Yidhi:
“ Runtii Waxaan La Kulmay Waxaanan Hore U Arag, System Horumarsan Oo Casriya Oo Aanan Ka Filaynin Inuu Ka Jiro Hargeysa Sababtoo Ah Waxaan Ahay Nin Qurbajoog Ah. Waa System U Dhigma Kuwa Ay Isticmaalaan Wadamada Caalamka Ama Ka Aanu Joogno Ee Ingiriiska, Subax Kasta Waan Soo Wici Jiray Howlwadeena Xafiiska Daryeelka Macaamiisha Ee Dowlada Hoose Si Aan U Ogaado File-Kaygu Halka Uu Marayo Waxaan Sheegi Jiray Tixraaca Numberkayga Waana La Ii Sheegi Jiray Waxaanan Bogaadinayaa Nidaamkan Casriga Ee GIS-Ka “

LEAVE A REPLY